Finland waxaa laga helay maanta 224 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 2 xaaladood oo dhimasho ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Finland waxaa laga helay maanta 224 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 2xaaladood oo dhimasho ah

Talaada 27.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 244 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 86 161 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 3 597 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 57 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay119 qof,  gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 29 qof , gobolka Pirkanmaa oo laga helay 24 qof,  iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo  laga helay 14 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 52
Espoo 26
Vantaa 21
Tampere 21
Turku 18
Oulu 12
Lahti 9
Salo 7
Tornio 4
Karkkila 4
Lappeenranta 3
Porvoo 3
Hämeenlinna 3
Kerava 3
Rauma 3
Seinäjoki 2
Mäntsälä 2
Mynämäki 2
Joensuu 2
Eurajoki 2
Kemi 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay. In hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 132 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  32 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 908 qof. Kaddib markii ay THL shaaca ka qaaday maanta geerida 2 qof oo hor leh oo u dhintay feyruska awgiis. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 31 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 4 716 oo qof, kuwaasoo 4 022 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 693-da kalena uu yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 548 850 oo qof (27.04).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

  Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 148 580 952 49 507 596
Tirada u dhimatay feyruska 3 136 632 1 053 065

 

  Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4 551 934 37 484 786
Tirada u dhimatay feyruska  120 738 499 952

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku  ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
Hidiya 17,625,735   319 435    2 764  197 880
Baraaziil 14,370,456     29 669    1 279  392 204
Baraaziil 13,601,566    80 157    3 687  358 718
Turkiga   4,667,281    37 312       353    38 711
Arjantiin   2,879,677    18 793       443    62 087
Iiraan   2,417,230    21 026       496    70 070

 

 Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada
28 Sweden 938,343     
63 Denmark 248,326    704    2
88 Norwey 111,162    550    
159 Iceland  6 429    39     
42 Saudi-Arabia  413,174    958    13
133 Soomaaliya  13,812    142    4

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS