Finland waxaa laga helay maanta 168 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

Axad 03.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 168 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 36 772 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 39 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 98 qof, gobolka Keski-Suomi oo 16 qof ah, iyo Gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo 12 qof ah.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 56 qof, Vantaa: 18 qof, Jyväskylä: 13 qof, Espoo: 12 qof, Turku: 7 qof, Oulu: 6 qof, Kempele: 5 qof, Lahti: 4 qof, Hämeenlinna: 4 qof, Tampere: 3 qof, Ikaalinen: 3 qof, Kotka: 3 qof, Järvenpää: 2 qof, Nurmijärvi: 2 qof, Kouvola: 2 qof, Kajaani: qof, Mustasaari: 2 qof, yo inta kale ee soo hadhay magaalooyinka oo min hal qof laga helay.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 199 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 27 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 561 qof.

Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi, Ahvenanmaa, Pieksämäki iyo laba degmo oo ka tirsan Pohjanmaa oo kala ah: Korsnäs, Mustasaari.

Heerka karaar qaadashada Satakunta, Etelä-Savo (pl. Pieksämäki), Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Keski-Pohjanmaa, Etelä-Karjala iyo Pohjois-Karjala.

Heerka hoose: Itä-Savo, Lappi, Pohjois-Savo iyo Kainuu.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 26 985 325    85 031 519
        581 292    1  844 792

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

 

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 20,9 milyan 277 000   2 107 358 682
2 Hindiya 10,3 milyan    21 222      266 149 471
3 Baraaziil 7,71 milyan    15 827      301 195 742
4 Ruushka 3,21 milyan    26 301      447   58 002
5 Faransiiska 2,64 milyan      3 466      156   64 921
6 Ingiriiska 2,59 milyan    57 725      445   74 570
7 Turkiga 2,23 milyan    11 180      202   21 295
8 Talyaaniga 2,14 milyan    11 831      364   74 985
9 Isbeyn 1,94 milyan       50 837
10 Jarmalka 1,77 milyan    11 015      340   34 859
11 Kolombiya 1,66 milyan    11 528      270    43 765
12 Arjantiin 1,63 milyan      5 240         56    43 375
13 Meksiko 1,43 milyan    11 091      700  126 507
14 Poland 1,31 milyan      6 945      102     29 058
15 Iiraan 1,23 milyan        6 045      101     55 438
16 K/Afrika 1,08 milyan      15 002      288     29 175
17 Ukriane 1,06 milyan        5 038        51     18 731
18 Peru 1,01 milyan           900        49     37 773

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS