Finland waxaa laga helay maanta 133 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 3 xaaladood oo dhimasho ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Isniin 26.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 133 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 85 937 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 3 659 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 33 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 81 qof,  gobolka Pirkanmaa oo laga helay 15 qof,  iyo gobolka Päijät-Häme oo  laga helay 12 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 34
Espoo 16
Vantaa 13
Tampere 12
Lahti 9
Turku 7
Porvoo 4
Mäntsälä 3
Tuusula 3
Tornio 3
Kouvola 3
Riihimäki 2
Oulu 2
Hyvinkää 2
Orimattila 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay. In hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 136 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  33 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 906 qof. Kaddib markii ay THL shaaca ka qaaday maanta geerida 3 qof oo hor leh oo u dhintay feyruska awgiis. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 32 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 4 716 oo qof, kuwaasoo 4 022 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 693-da kalena uu yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 529 600 oo qof (26.04).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

  Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 147 904 185 49 379 706
Tirada u dhimatay feyruska 3 124 977 1 049 850

 

  Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4 544 971 37 042 829
Tirada u dhimatay feyruska  120 443 495 503

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS