Finland waxaa laga helay maanta 125 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Sabti 26.06.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 125 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 94 989 qof.

Inta magaalo ee laga helay cudurka iyo tirada dadka laga helayba illaa shalay lama soo gudbin, sida ay sheegtay hay’ada THL waxaa cillad farsmo ka jirtaa dhanka barnaamijkii lagu samaynaayay tirakoobka cudurka, waxaana ay hay’addu sheegtay in cillad bixinta arrintaas socon doonto ilaa iyo isniinta.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 35 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 6 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 969 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 9 139 oo qof, kuwaasoo 7 423 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 410 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 301 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 5 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 23.06).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 3,2 milyan oo qof, labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 977 000 oo qof (26.6.).

Xigasho:YLE,HS