Feyruska cusub waxaa Finland laga helay 100 xaaladood iyo sida laga yeelaayo arrinkaas

Shir jaraa’id oo ay maanta si wadajir ah u qabteen wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshada iyo hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL, ayay maanta uga warrameen xaaladda cusub ee feyruska korona ee dalkaan Finland.

Shirkaas jaraa’id waxaa ka hadlay madaxa waaxda istaraatiijiyadda wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshada Liisa-Maria Voipio-Pulkki iyo dhakhtarka sare ee hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL Taneli Puumalainen.

 Dhakhtarka Puumalainen wuxuu sheegay in Finland laga helay 100 xaaldood oo nooca cusub ee feryruska korona ah, intooda ugu badanna waa nooca ingiriiska ee Variantti.

Dhakhtarku wuxuu sheegay in Finland marka loo barbardhigo dalalka kale ee deriska la ah ay si aad ah uga fiican tahay. Tusaale ahaan Dalka Sweden waxaa heerka faafistu ay maraysaa boqolkii kun ee qof ee kastaa 700 oo qof, Denmark boqolkii kun ee qof ee kastaa 350 qof, Norweyna waa 150, halka dalka Istooniya ay boqolkii kun ee qof kastaa ay tahay 590 qof.

Puumalainen wuxuu sheegay in Finland ay haatan si aad u xiisaynayso wararka ku saabsan faafista feyruska cusub ee Istoniya, sidaas awgeedna ay ka sugayso dowladda Istooniya warbixinta dheeraadka ah ee arrinkaas ku saabsan.

Waxaa kaloo dhakhtarku sheegay in waxa ugu weyn ee haatan la sugaayo ay yihiin tallaallada kala duwan ee qaarkood wali horumarinta ku jira. Tallaalka ugu muhiimsan waa midka haatan ku jira xilliyadii tijaabinta ahaa ee ugu dambeeyay, kaasoo ah tallaalka Jonhson & Jonhson iyo Jensin, oo kaga duwan tallaallada kale oo dhan in isaga la qaadanaayo hal mar oo kaliya.

Golaha wasiirrada ayaa shir ay shalay yeesheen kaddib oo ay kaga hadlayeen xaaladda feyruska cusub ee dalka ka bilowday, waxaa ay soo saareen qodobo looga hortagaayo faafista feyruska. Waxaana ay xaaladda u qaybiyeen saddex darajo oo kala duwan, iyadoo heer walba ay dowladdu la socon doonto xaaladda dalku maraayo, islamarkaana ay qaadan doonto go’aanka ku haboon, iyadoo mar walba la tashanaysa khubarada caafimaadka ee aqoonta u leh cudurrada safmarka ah.

Heerka Koowaad oo ah kan hadda lagu jiro waxaa socon doona xadaymaha iyo talosoojeediinada haatan jira.

Marka la galo heerka labaad, waxaa la sii adkayn doonaa xadaymaha haatan jira, iyadoo wax walba oo caafimaad iyo gobol walba uu qaadan doono tillaabada ku haboon. Waxaana go’aankaas uu u baahan yahay taagerada golaha wasiirrada.

Heerka saddexaad ee ugu dambeeya oo ah kan ugu sarreeya marka la galo, waxaa xadaymaha la adkeeyay kasokow, dowladdu ay soo rogaysaa xukun degdeg ah iyo bandow xagga socodka ama dhaqdhaqaaqa dadka ah.

Xigasho: YLE