Finland waxaa laga helay maanta 120 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Sabti 05.06.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 120 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 93 158 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 1 753 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 33 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay.Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 73 qof, iyo gobolka Pirkanmaa oo laga helay 30 qof, Gobollada kale waxaa laga helay min 2 iyo qaarkood oo min hal qof laga helay.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Tampere 29
Helsinki 19
Vantaa 18
Espoo 15
Sipoo 5
Nurmijärvi 4
Loviisa 3
Haapajärvi 2
Lappeenranta 2
Jyväskylä 2
Kotka 2
Savonlinna 2
Kauniainen 2
Pornainen 2
Mikkeli 2

 Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 67 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  10 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 959 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 30 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 7 931 oo qof, kuwaasoo 6 518 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 319 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 67 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 02.06).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 620 440 oo qof (05.06).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 173 414 622 53,0
Tirada u dhimatay feyruska 3 729 650 1,1

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS