Finland waxaa laga helay Jimcihii kaddib 1 296 qof oo uu ku dhacay feyruska korona, iyo 11 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Arbaco 08.12.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 1 296 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 197 476 oo qof.

 Isbitaalka waxaa haatan xanuunka feyruska korona awgiis ugu jira tiro gaaraysa 309 qof oo bukaan ah, qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 60 bukaan ah. Tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 1 395 qof, waxaana ay hay’adda THL sheegtay in ay u dhinteen feyruska korona 11 qof oo hor leh.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaalka labadiisa qaybood qaateen qaateen dad lagu qiyaasay 82,62% qof oo da’doodu ka weyn tahay 12 sano jir, Qaybta saddexaad ee tallaalka oo haatan la bilaabay ayaa waxaa qaatay dad lagu qiyaasay ku dhowaad 365 000, taasoo u dhiganta 7,5%.  (11.12.).

Kooxda iskuduwidda arrimaha korona waxaa ay soo jeedinayaan, in aan la isugu imaan munaasabadaha gaarka ah ee lagu qabto gudaha wixii ka badan 20 qof.

Waxaana kooxda iskuduwidda ay soojeedinayaan in munaasabadaha gaarka ah la qabanqaabin karo, haddii dadka goobta isugu imaanaaya ay wataan baasaboorka korona.

Xigasho: Yle