Finland waxaa laga helay 541 qof oo cusub oo qaba feyruska korona ah

Sabti 28.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 541 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 24 307 qof.

Iskudarka guud waxaa feyruska laga helay 83 magaalo. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 261 qof, waxaa kaalinta labaad ah gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo 65 qof ah, kaalinta saddexaadna waa gobolka Varsinais-Suomi oo 47 qof ah. Meelaha ugu badan ee laga helaayo faafista feyruskana waa sidan soo socota: Helsinki (130), Espoo (54), Oulu (48), Vantaa (43), Tampere (26), Salo (19), Lahti (18), Turku (16), Kouvola (14), Jyväskylä (12), Joensuu (9), Kerava (5), Nurmijärvi (5), Hyvinkää (5), Kotka (5), Yivieska (5), Lempäälä, Riihimäki, Parkano, Porvoo, Kajaani, Hämeenlinna (min 4 qof).

 Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 152 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 19 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Toddoba maalmood gudahood waxaa tirada bukaanka isbitaalka ku soo kordhay 39 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga waxaa tirada dhimashada ee feyruska korona awgiis tan iyo intii cudurka safmarka ah ka bilowady Finland  tahay 393 qof.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

17 645 728 61 715 660
 

Tirada u dhimatay feyruska

400 949    1   444 235

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
  1 Maraykanka 13,4  milyan   164 103    1 367 271 029
  2 Hindiya 9,35  milyan     41 353       486 136 238
  3 Baraaziil 6,23  milyan     33 780       501 171 998
  4 Ruushka 2,21  milyan     27 543       496   38 558
  5 Faransiiska 2,19  milyan      12 459       581   51 914
  6 Spain 1,64  milyan        8 348       294   44 668
  7 Ingiriiska 1,58  milyan      16 022       521   57 551
  8 Talyaaniga 1,53  milyan      28 352       827   53 677
  9 Arjantiin 1,40  milyan        7 846       275   38 216
10 Kolombiya 1,29  milyan      10 023             195   36 214
11 Mexico 1,07  milyan        8 147              645 104 242
12 Jarmalka 1,02   milyan       22 018           405   16 172
Xigasho: YLE,HS,Worldmeters