Finland waxaa laga helay 460 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

Sabti 05.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 460 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 27 218 qof. Toddoba beri gudahood waxaa tiradaas ku soo korotay 2 992 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 72 magaalo ayaa laga helay feyruska. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 216 qof. Gobolka Pirkanmaa ayaa ku xiga oo ah 52 qof, waxaa ku sii xiga gobolka Varsinais-Suomi oo ah 47 qof.

Magaalooyinka ugu badan waxaa ay kala yihiin sidatan soo socota: Helsinki (105), Vantaa (52), Espoo (40), Tampere (30), Turku (28), Lahti (24), Oulu (17), Jyväskylä (12), Hämeenlinna (10), Kotka (10), Etelä-Savo (11), Etelä-Pohjanmaa (11), Satakunta (9), Pohjois-Karjala (6), Kotka (10), Kouvola (4), Pirkkala (4), Kangasala (4).

 Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 141 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 21 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Waxaana isniintii kaddib ku soo kordhay qaybtaan 2 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) Tirada dhimashada ayaa maraysaa haatan tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland 415 qof.

Heerka faafista ee cudurkan safmarka ah waxaa ku jira gobollada kala ah: Uusimaa, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Pohjois-Satakunta.

Inta kale ee soo hartay waxaa gobollada badankood ay ku jiraan heerka labaad ee karaar- qaadashada.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

19 123 395   65 778 405
 

Tirada u dhimatay feyruska

     437 365     1   520 082

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
  1 Maraykanka 14,7  milyan  235 272    2 718 285 550
  2 Hindiya 9,60  milyan    36 638       509 139 736
  3 Baraaziil 6,53   milyan    47 435       674 175 981
  4 Ruushka 2,40   milyan    27 403       569   42 176
  5 Faransiiska 2,26   milyan    11 221       397   54 767
  6 Spain 1,69   milyan      5 554       214   46 252
  7 Ingiriiska 1,69   milyan    16 298       504   60 617
  8 Talyaaniga 1,68   milyan    24 009       814   58 852
  9 Arjantiin 1,45   milyan      6 899       207   39 512
10 Kolombiya 1,35   milyan      9 285       162   37 467
11 Jarmalka 1,15   milyan    23 541           431   18 691
12 Mexico 1,14   milyan    11 030       608  108 173
13 Poland 1,04  milyan    13 236       531   19 359
14 Iiraan 1,01   milyan    13 341       347   49 695