Finland waxaa laga helay 413 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

Axad 06.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 413 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 27 631 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 63 magaalo ayaa laga helay feyruska. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 239 qof, iyo gobollada Varsinais-Suomi iyo Pohjos-Pohjanmaa oo laga helay mid kastaa 47 qof.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki (122), Vantaa (54), Oulu (38), Espoo (33), Turku (24), Lahti (11), Salo (9), Jyväskylä (7), Järvenpää (6), Nurmijärvi (7), Vaasa (5), Hyvinkää (4), Tampere (4), Pirkkala (4).

Xaaladda cudurkan safmarka ah ayaa aad uga soo daraysay labadii toddobaad ee ugu dambeeyay, waxaana laga helay feyruska mudadaas labada toddobaad gudahood ah 5 992, taasoo tiro gaareysa 3 842 kabadan labadii toddobaad ee ka sii horreeyay.

 Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 141 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 21 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Waxaana isniintii kaddib ku soo kordhay qaybtaan 2 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) Tirada dhimashada ayaa maraysaa haatan tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland 415 qof.

Xaaladda cudurkan safmarka ah ee korona ee dalka oo dhan ayaa meel adag maraysa, Heerka faafista ee cudurkan safmarka ah waxaa ku jira gobollada kala ah: Uusimaa, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Pohjois-Satakunta.

Inta kale ee soo hartay waxaa gobollada badankood ay ku jiraan heerka labaad ee karaar- qaadashada cudurkan safmarka ah.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

19 315 941   65 997 563
 

Tirada u dhimatay feyruska

     441 408     1   536 769

 

Haatann waa shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
  1 Maraykanka 14,9  milyan  208 790    2 251 287 825
  2 Hindiya 9,64  milyan    36  111       480 140 216
  3 Baraaziil 6,57   milyan    42 226       660 176 641
  4 Ruushka 2,43   milyan    28 782       508   42 684
  5 Faransiiska 2,28   milyan    12 923       214   54 981
  6 Talyaaniga 1,709  milyan     21 052       662   59 514
  7 Ingiriiska 1,705   milyan     15 539       397   61 014
  8 Isbeyn 1,69   milyan
  9 Arjantiin 1,45   milyan      5 201       120   39 632
10 Kolombiya 1,36   milyan      9 642       166   37 633
11 Jarmalka 1,17   milyan    17 812       284   18 975
12 Mexico 1,15   milyan    12 127       690  108 863
13 Poland 1,05  milyan    12 430       502   19 861
14 Iiraan 1,02   milyan    12 151       321    50 016

Xigasho: HS,YLE,WORLOMETERS