Dowladda Finland oo Korona dartiis xayiraad dhinaca safarka ah ku soo rogtay dalal ay horay uga qaaday iyo dal kale oo xayiraadda laga qaaday

Helsinki 23.7.2020- Go’aan maanta (23.7.2020) ka soo baxay xukuumadda Finland ayaa lagu sheegay in xaaladda Korona dartiis xayiraad dhinaca safarka ah la saaray laga billaabo 27.7.2020 dadka ka imaanaya dalalka Iswiisarland, Awsteriya iyo Islofeeniya. Saddexdan dal ayaa ka mid ahaa dalal ay xukuumadda Finland horay uga qaaday xayiraaddii dhinaca socdaalka ee Koronaha dartiis u saarnayd.

Xaaladda Koronaha ee dalalkan ayeey xukuumaddu sheegtay in uu isbeddel ku yimid dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay. Tirada dadka uu Korona asiibay ee dalalkan ayaa xukuumaddu sheegtay in ay kor u kacday.

Horay ayeey xukuumadda Finland u sheegtay in xayiraaddi ay horay u qaaday ay dib u soo celin doonto, haddii xaaladdu isbeddesho.

Dalka Thailand oo ay dadka Finnishku u dalxsiis tagaan ayaa go’aanka maanta ka soo baxay xukuumadda looga qaaday gebi ahaanba xayiraaddii dhinaca safarka ee Koronaha dartiis u saarnayn.

Go’aanka maanta ka soo baxay xukuumadda Finland ayaa dhaqangelaya 27.7.2020.

Isha warka: Valtionneuvosto