Finland waxaa laga helay 361 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

Talaada 08.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 361 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 28 242 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 57 magaalo ayaa laga helay feyruska. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 185 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 74 qof laga helay iyo Pohjos-Pohjanmaa oo laga helay 26 qof.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki (102), Turku (51), Espoo (19), Vantaa (43), Oulu (17), Pieksämäki (15), Kymmenlaakso (6), Pirkanmaa (5), Etelä-Karjala (5), Ylivieska(5), Kaarina (8), Rovaniemi (6), Raiso (5), Seinäjöki (5), Lahti (5), Paimio (4), Kirkkonummi (4), Kerava (4),

Xaaladda cudurkan safmarka ah ayaa aad uga soo daraysay labadii toddobaad ee ugu dambeeyay, waxaana laga helay feyruska mudadaas labada toddobaad gudahood ah 5 953, taasoo tiro gaareysa 4 182 kabadan labadii toddobaad ee ka sii horreeyay.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 223 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 30 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Waxaana isniintii kaddib ku soo kordhay qaybtaan 82 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 424 qof, kaddib markii maalinkii shalay ahayd ay 9 qof oo hor leh u dhinteen feyruska korona.

Xaaladda cudurkan safmarka ah ee korona ee dalka oo dhan ayaa meel adag maraysa, Heerka faafista ee cudurkan safmarka ah waxaa ku jira gobollada kala ah: Uusimaa, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymmenlaakso, Kanta-Häme, Pohjois-Satakunta.

Inta kale ee soo hartay waxaa gobollada badankood ay ku jiraan heerka labaad ee karaar- qaadashada cudurkan safmarka ah.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

19 651 920   68 047 740
 

Tirada u dhimatay feyruska

     444 926      1  553 081

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
  1 Maraykanka 15,3  milyan  200 085    1 539 290 474
  2 Hindiya 9,70  milyan    27 107       404 140 994
  3 Baraaziil 6,62   milyan    24 525       426 177 388
  4 Ruushka 2,48   milyan    28 142       456   43 597
  5 Faransiiska 2,29   milyan      3 411       366   55 521
  6 Talyaaniga 1,74   milyan    13 720       528   60 606
  7 Ingiriiska 1,73   milyan    14 718       189   61 434
  8 Isbeyn 1,71   milyan      6 255       132   46 646
  9 Arjantiin 1,46   milyan      3 199       118   39 888
10 Kolombiya 1,37   milyan      8 854       187   37 995
11 Jarmalka 1,20   milyan      5 997       380   19 539
12 Mexico 1,17   milyan      7 455       261  109 717
13 Poland 1,06   milyan      4 421         92    20 181
14 Iiraan 1,05   milyan    10 827       284    50 594

Xigasho: YLE, HS, WORLDOMETER