Finland waxaa laga helay 300 qof oo cusub oo qaba feyruska korona iyo 8 xaaladood oo dhimasho ah

Isniin 14.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 300 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 31 110 qof.

Da’ ahaan marka la eego dadka ugu badan ee xanuunku uu ku dhacay waa kuwa da’doodu u dhaxayso 20-29 sano jir, qolada labaad ee ku soo xigtana waa kuwa da’doodu u dhexeyso 30-39  sano jir.

Iskudarka guud illaa iyo 49 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 187 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 27 qof laga helay, iyo Pirkanmaa oo laga helay 25 qof.

Tan iyo intii xanuunkan safmarka ah uu ka bilowday Finland waxaa magaalada Helsinki laga helay iskudarka guud 9 648, Espoo 3 403 iyo Vantaa oo ah 3 269.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki (110), Vantaa (41), Espoo (19), Turku (19), Tampere (17), Lahti (19),  Oulu (9), Vaasa (9),  Pieksämäki (6), Jyväskylä (5), Kaarina (4), Hollola (4), Kirkkonummi (3), Kerava (3), Valkeakoski (3), Kouvola (2), Varkaus (2), Lappeenranta (2).

Xaaladda cudurkan safmarka ah ayaa aad uga soo daraysay labadii toddobaad ee ugu dambeeyay, meelaha aadka ugu daran waa Helsinki iyo Uusimaa,Varsinäis-Suomi, Päijät-Häme, Pirkanmaa, Keski-Suomi iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 248 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 28 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Toddoba maalmood gudahood waxaa tirada daryeelka isbitaalka ku jirta ku soo kordhay 94 qof, tirada qaybta xaaladda aadka u daran waxaa toddoba maalmood gudahood ku soo kordhay 5 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 461 qof, kaddib markii sida ay sheegtay maanta Hay’adda THL 8 ruux oo hor leh uu feyruska korona awgiis u dhinteen wiikendhigii la soo dhaafay.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

21 400 312   72 735 019
 

Tirada u dhimatay feyruska

      479 789      1  620 654

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
  1 Maraykanka 16,7   milyan  187 901    1 379 306 459
  2 Hindiya 9,88   milyan    27 336       338 143 393
  3 Baraaziil 6,90   milyan    21 395       276 181 419
  4 Ruushka 2,65   milyan    28 080       488   46 491
  5 Faransiiska 2,37    milyan    11 533       150   57 911
  6 Ingiriiska 1,849  milyan    18 447       144   64 170
  7 Talyaaniga 1,843   milyan    17 938       484   64 520
  8 Turkey 1,83    milyan     26 919       218   16 417
  9 Spain 1,74    milyan       280   47 624
10 Arjantiin 1,49    milyan       3 558        98   40 766
11 Kolombiya 1,42    milyan       8 702       187   39 053
12 Jarmalka 1,33    milyan     17 891       235   22 406
13 Meksiko 1,24    milyan     12 507       685  113 704
14 Poland 1,13    milyan       8 977       188    22 864
15 Iiraan 1,10    milyan       7 451       247    52 196

Xigasho:YLE,HS,WORLDOMETERS