Finland oo sannadkii todobaad oo xiriir ah noqotay dalka dunida ugu farxadda badan

Calanka Finland: Photo Mohamed Ibrahim

Ka gadaal markii shaaca laga qaaday warbixinta sannadla ah ee lagu cabbiro farxadda dunida islamarkaasna lagu shaaciyo dalka ay dadkiisu ugu farxadda badan yihiin ayaa waxaa markale iyo sannad kale kaalinta 1aad galay dalka Finland oo ay Soomaali bandanna ku dhaqantahay.

Khubarada baaritaanka ku samaysa farxadda dalalka dunida ayaa halbeeg ahaan u isticmaala jawaabaha in ka badan dadka ku nool 140 Qaran si ay kaalimo u kala geliyaan dalalka ay dadkaas ku kala nool yihiin.

Ka sokow Finland, wadamada Woqooyiga Yurub dhaca ayaa iyaguna markale kaalmaha farxadda caalamka u kala galay sidan soo socota: Deenmaarki 2aad, Iceland 3aad iyo Iswiidhina oo gashay kaalinta 4aad.

Dalka Afghanistan ayaa kaalinta ugu hooseysa ka galay liiska waxaana uu dul hogan-yahay kaalinta 143aad.

Soomaaliya ayaan meelna liiska ka soo gelin, laakiin waa hubaal in si kasta oo uu xaalku yahay ay Soomaalidu dhinaca qanacsanaanta oo farxadda aasaas u ah ku wanaagsan yihiin.

SSMV