Bayaanka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland ee ku aaddan qoraalladdii aflagaadada iyo kicinta ahaa ee ay qortay Wasiirka Maaliyada Finland, Riikka Purra

Photo credits/ Benjamin Ilmonen

Kaddib markii ay warbaahinta Finland iyo tan caalamkuba baahiyeen qoraallo cunsuriyad, isir-nacayb, aflagaaddo iyo colaad abuur xambaarsan oo ay kal hore qortay Wasiirka Maaliyadda ee Finland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Midigta ee soogalootiga neceb (Perussuomalaiset) ayaa waxaa arrinkaas ka falcelisay bayaanna ka soo saartay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland.

Bayaanka ka soo baxay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland uuna ku saxiixanyahay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland mudane Ahmed Hassan ayaa u qoran sidatan:

-Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland wuxuu cambaaraynaa qoraallada soo shaacbaxay ee Riikka Purra, qoraalladaas oo loo isticmaalay magacyo aad halis ugu ah xubno bulshada ka tirsan, islamarkaas lagu dhiirrigelinayo rabshad ama dagaal ka dhan ah xubnahaas.

-Cunsuriyad iyo kicin dagaal midna boos ugama bannaana Finland.

-Qofkasta oo muwaadin, siyaasi iyo wasiir ah waa in uu si ixitiraam leh u dhaqmaa una xushmeeyaa sharafta bani’aadamka iyadoo aan ku xirnayn isirka qofka. Dhan kasta oo ay tahayba, waa in aan Finland laga aqbalin wax cunsuriyad ah. -Mudane Ahmed Hassan,
Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland

Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen guddiyada baarlamaanka ee xisbiyada mucaaradka ah ee Finland ayeey Guddoomiyaha Baarlamaanka Finland uga codsadeen in uu baarlamaanka ugu yeero fadhi codka kalsoonida loogu qaadayo wasiirka Maaliyadda Finland, Riikka Purra.

Lama oga in guddoomiyaha  baarlaamnku aqbali doono dalabka xisbiyada Mucaaradka ah baarlamaankana ugu yeeri doono fadhi lagu falanqaynayo xiisadda ka dhalatay qoraallada cunsuriyadda, isir-nacaybka iyo colaad-hurinta isugu jira ee ay qortay wasiirka wasaaradda maaliyadda Finland, Riikka Purra.

Waxaa xusid mudan in baarlamaanka Finland uu haatan ku jiro fasaxa xaagaga.

SSMV