Finland oo laga billaabo maanta 13.7.2020 xuduudaheeda dib ugu furtay 28 dal

Helsinki 13.7.2020- Waxaa maanta dhaqangalay go’aankii ay dowladda Finland horay u gaartay oo ay xannibaadda uga qaadaysay qaar kamid ah dalalka caalamka, kuwaas oo xaaladdooda Koronuhu ay tahay mid la mid ah ama ka agdhow tan Finland.

Sida ku cad go’aanka waxaa laga billaabo maanta oo ku beegan 13.7.2020 loo socdaali karaa lagana imaan karaa 17 dal oo Yurub ku yaal iyo 11 dal oo aan Yurub ku tirsanayn.

Dalalkan socdaakal loo fasaxay ayaa waxay kala yihiin Austria, Belgium, Germany, Greece, Hungary, Italy, Liechtenstein, Malta, Holland, Slovakia, Slovenia, Switzerland, Andorra, Cyprus, Jamhuuriyadda Ireland, San Marino iyo Vatican (Fatikaanka).

Go’aankan lagu qaaday ama lagu khafiifyay socdaalka Finland lagu imaanayo xaaladda Korona darteed ayaa wuxuu sidoo kale quseeyaa Algeria, Australia, Georgia, Japan, New Zealand, Rwanda, South Korea, Thailand, Tunisia, Uruguay iyo China.

Finland waxay 15.6.2020 xannibaadda safarka ka qaadday dalalka Norway, Denmark, Iceland, Estonia, Latvia iyo Lithuania.

Dalka Sweden iyo Ruushka oo ay Finland jaar yihiin ayaanay Finland weli ka qaadin xayiraaddi dhinaca socdaalka. Finland ayaa xayiraadda weli dalalkan saaran qiil uga dhigtay, xaaladdooda Koronaha oo aan weli xasilnayn.

Finland, waxay dadka banadkood u dalxiis tageen gobollada dalka maadaama lagu jiro xilliga fasaxa xagaaga, laakiin waxaa jira dad badan oo doorbidaya in ay dibadda u dalxsiis tagaan.

Guud ahaan xaaladda Korona ee dalka Finland ayaa muddooyinkan dambe aheyd mid deggan, waxaana xusid mudan in dalku uu hadda sidi hore si ka fiican ugu diyaargaroobay Korona, waa haddii ay uu markale soo laba-kacleeye.

Xuquuqda sawirka: Yle