Finland iyo Qatar oo iska kaashanaya nabadaynta iyo xasilinta dalal ay ka mid yihiin kuwa Geeska Afrika

Photo/Qatar News Agency

Wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Qatar Dr. Mohammed bin Abdulaziz Al-Khulaifi oo booqasho rasmi ah ku yimd Finland ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Finland iyo saraakiisha sarsare ee hoggaamisa arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadin ee wasaaradda arrimaha dibadda Finland iyo xafiiska madaxweynaha Finland.

Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee Finland ayaa looga hadlay nabadda iyo xasilinta dalalka iyo gobollada ay ka jiraan xaaladaha cakiran iyo sida ugu mudan ee ay isaga kaashan karaan Finland iyo Qatar. Waxaa si gaar ah kulanka loogu qaadaa-dhigay xaaladda Marinka Gaza, Dhulka Falastiin ee la heysto, Afghanistan iyo Geeska Afrika.

Madaxda uu wasiiru-dowlaha wasaaraddda arrimaha ee Qatar la kulmay ayaa ka sokow wasiirka arrimaha dibadda Finland Elina Valtonen kala ah Ergayga gaarka ah ee Finland u qaabilsan nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika Mudane Suldaan Said Ahmed, Xoghayaha rasmiga ah ee xafiiska madaxweynaha Finland Lauri Tierala, lataliyaha dhinaca nabadda ee xafiiska madaxweynaha Ville Brummer, Agaasimaha xarunta nabadda iyo dhexdhexaadinta ee wasaaradda arrimaha dibadda Finland Katja Ahlfors iyo guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Finland Kimmo Kiljunen.

Mudane Suldaan Said Ahmed, Ergayga gaarka ah ee Finland u qaabilsan nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika oo kulanka kaddib bartiisa X (Twitter) soo dhigay farriin kooban ayaa sheegay in kulanka lagu falanqeeyay xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Finland iyo Qatar gaar ahaan dhinaca dhexdhexaadinta nabadda. Kulanka ayuu sidoo kale Mudane Suldaan ku sheegay in uu ahaa mid miradhal ah.

Isha warka: Qatar News Agency