FARRIINTA MURASHAXA GOLAHA DEEGAANKA MAGAALADA ESPOO ABDI-RASHID MOHAMUD-356 (SDP)

MURASHAXA GOLAHA DEEGAANKA MAGAALADA ESPOO ABDI-RASHID MOHAMUD-356 (SDP)

ESPOO- 28.5.021- FARRIINTA MURASHAXA GOLAHA DEEGAANKA MAGAALADA ESPOO ABDI-RASHID MOHAMUD-356 (SDP)

”Qiyamyada aniga muhiimka ii ah waxaa aasaas u ah xoriyadda, sinnaanta, midnimada iyo caddaaladda.

  1. Qof kastaa wuu qiimo badan yahay, iyadoon loo eegin da’diisa, Midabkiisa ama shaqadiisa.
  2. Waa in dhallinyaradu helaan meelo ay xirfadahooda ku soo bandhigi karaan, Meelo ay ku ciyaaraan kubbadda cagta, kubbadda kolayga iwm.
  3. Waayeelku waxay xaq u leeyihiin ladnaan maskaxeed iyo mid jireed iyo in loo dammaanad qaado nolol wanaagsan oo ay ku dheehantahay Ixtiraam iyo ilaalin.
  4. Dacwadaha lagu oogayo shacabka ajaanibka ah ee dagan Espoo waa in ay ahaaddaan kuwo xaqa iyo sharciga Finland waafaqsan
  5. Go’aanno cadaalad ah oo ka tarjumaya danta ilmaha waa in ay ka soo baxaan xafiiska ilaalinta ilmaha. Raali kama nihin ilmaha sida aan sharciga waafaqsanayn looga qaadayo waalidiinta ajaanibta ah.

MAHADSANIDIID!”

Abdi-Rashid Mohamed, Murashaxa Golaha deegaanka Espoo, Finland  356 (SDP)

Xuquuqda sawirka: Abdi-rashid