Farriinta Madaxda magaalooyinka Espoo, Helsinki iyo Vantaa ee ku aaddan Munaasabadda Ciidul-Fitriga

Warqado ku aaddan munaasabadda Ciidul-Fitriga ay madaxda magaalooyinka Espoo, Helsinki iyo Vantaa soo saareen ayeey kula hadleen Jimciyadaha Muslimiinta ah ee ku dhaqan magaalooyinkan saddexda ee ugu waaweyn.

Duqa magaalada Espoo Jukka Mäkelä, duqa magaalada Helsinki Jan Vapaavuori iyo duqa magaalada Vantaa Ritva Viljanen ayaa Muslimiinta ku dhaqan magaalooyinka ay madaxda ka yihiin u qaddimay hambalyada munaasabadda Ciidul-Fitriga kaddibna xusuusiyay, in xayiraadaha Koronaha ee weli shaqaynaya dartood (illaa iyo 31-5.2021) ay tahay in tukashada Salaadda Ciidda marka lagu jiro aad loo adkeeyo ammaanka caafimaadka (kala fogaanshaha, isticmaalka af-shareerka iwm.)

Duqowda magaalada Espoo, Helsinki iyo Vantaa ayaa sidoo kale Muslimiinta kula taliyay in Tukashada Salaadda Ciidda kaddib ay xafladaynta iyo dhaqdhaqaaqyada kale ee wadajirka ah ku soo koobaan qoysaskooda iyo ehelkooda oo kaliya.

SSMV

Espoon, Helsingin ja Vantaan kaunpunginjohtajien kirjeet Suomen Muslimeille