Espoo: Lamaane guri kiro ah raadinayay oo markii ay gurigi tageen maandooriye la siiyay kaddibna haweeyneydi la kufsaday

Espoo 7.7.2020- Lamaane isqaba oo guri kiro ah raadinaya ayaa waxay Sello, Espoo kula kulmeen labo nin oo aanay horay u aqoon.

Muddo markii ay labadan nin la sheekeysteen ayeey u sheegeen in ay guri kiro ah raadinayaan. Labadan nin ayaa lamaanaha u sheegay in ay qol kiro ah hayaan kaddibna waxaa la isku afgartay in lamaanaha qolka la soo tuso.

Gurigii markii ay tageen ayeey waxay guriga ku arkeen rag kale oo horay u sii joogay guriga. Khamri ayaa la wada-cabay, xashiishna waa la daartay kaddibna haweenaydi ayaa wareertay waxaana la geeyay qol ay ku nasato, qolkaas oo sida la sheegay ay labo nin ku kufsatay. Ninka haweeneyda qaba ayaa ragga kale ee guriga joogay khamri la cabayay mana uusan maqlin cila-dhaanta xaaskiisa.

Ninka haweeneyda qaba ayaa mardambe isna dawakhay wuxuuna muddo kaddib soo toosay isagoo qasan qol u dhowaanna ay dhex-jiifto xaaskiisi oo qaawan, qalbigeedu maqanyahay calaamado kufsina ay ka muuqdaan.

Guriga ayeey lamaanuhu mardambe ka soo baxeen iyagoo aad u liita waxayna maxaddada tareenka ee Leppävaara ku yimaadeen caga-jiid, halkaas oo ay booliska kula kulmeen xaaskiina isbitaal looga qaaday.

Labo nin oo kamid ah raggii guriga joogay ayaa lagu eedeeyay in ay haweeneyda kufsadeen waxaana baaritaan boolisku sameeyay kaddib labadii nin la soo taagay maxkamadda Bariga Uusimaa.

Maxkamadda Bariga Uusimaa ayaa labada nin ee kufsiga haaweyneda lagu eedeeyay mid kamid ah ku heshay in uu galay dembi kufsi ah iyo weliba isticmaalidda waxyaabaha maanka dooriya.

Maxkamaddu waxay ninkan ku xukuntay sannad iyo sagaal bilood oo xabsi ah iyo magdhow lacageed oo gaaraya 4500 yuuro, lacagtaas oo la siinayo dhibanaha la kufsaday. Eedeysanihii kale ayeey maxkamddu sii fasaxday kaddib markii caddayn ku filan loo waayay dembiga lagu soo eedeeyay ee ahaa kufsi. 

Xigasho: ILTALEHTI

Sawirka: ILTALEHTI