Duqa magaalada Helsinki oo maanta xarunta magaalada kula shiray qaar ka mid ah imaamyada iyo wakiilo ka socday maamulada masaajidda Helsinki

Duqa magaalada Helsinki oo maanta xarunta magaalada kula shiray qaar ka mid ah imaamyada iyo wakiilo ka socday maamulada masaajidda Helsinki. Sawirka: SSM

Arbaca 25.11.2020 Duqa magaalada Helsinki Jan Vapaavuori ayaa maanta xarunta magaalada Helsinki shir kula yeeshy qaar ka mid ah imaamyada iyo wakiillada masaajidda Helsinki. Sababta uu duqa magaalada ula shiray imaamyada masaajidda ayaa qayb ka ah dadaalka ay magaaladu ugu jirto sidii qaab wadajir ah looga hortagi lahaa faafista cudurka safmarka ah ee korona.

Duqa magaalada ayaa ka mahadceliyay in wakiillada masaajiddu ay ajiibeen codsigiisii, isagoo tilmaamay in cudurkan safmarka ah uu yahay dhibaato innaga oo dhan na heysata. Wuxuu ka warbixiyay xaaladda faafista feyruska ee haatan uu dalkan Finland maraayo, gaar ahaan magaalada caasimadda iyo hareeraheeda oo xaalka faafista feyrusku uu gaaray darajadii saddexaad ee ugu sarraysay.

Duqa magaalada Helsinki Jan Vapaavuori oo maanta xarunta magaalada kula shiray qaar ka mid ah imaamyada iyo wakiilo ka socday maamulada masaajidda Helsinki

Duqa magalaada waxaa uu sheegay in tirada feyruska ee laga helay dadka aan ku hadlin luqadaha finishka iyo iswidishka ay tahay saddex meeloodoo meel tirada guud ee dadka laga helay feyruska dalkan Finland (waxaa ugu horreeya Somaalida, waxaa ku xiga Ruushka, Carabta iyo dadka ku hadla luqadaha ingiriiska, kuwaasoo 19% ah tirada guud ee faafista cudurka).  Waxaa kaloo duqa magaalada uu tilmaamay in haatan shaqada ka hortagga ay si xawli leh ku socoto, laakiin haddana ay jirto in dadkii howlaha wax ka qaban lahaa ay yar yihiin, loona baahan yahay qof kasta oo wax ka gaysan kara arrinkaas.

Duqa magaalada waxaa uu tilmaamay, maadaama masaajiddu ay door muhiim ah ku leeyihiin bulshada dhexdeeda, in ay muhiim tahay inay dhexda u xirtaan sidii looga hortagi lahaa cudurkaan safmarka ah.

Waxaa kaloo Jan Vapaavuori uu sheegay in masaajiddu ay yihiin goobaha ay ka socdaan howlo muhiim ah oo keenaaya isdhexgal aad u baallaaran, islamarkaana khatarta faafista feyrusku ay noqon karto in ay ku badato, sida Salaadaha, waxbarashada diiniga ah iyo qabanqaabinta janaazada, sidaa awgeed dadka mas’uuliyiinta masaajidda iyo imaamyada looga baahan yahay in ay arrimahaas xil iska saaraan, islamarkaana ay howlaha ka socda masaajidda waafajiyaan sida ay farayso talosoojeedinta iyo hagista ka imaaneysa dhanka howlwadeennada dowladda.

Duqa magaalada waxaa  uu ka codsaday imaamyada iyo wakiillada masaajidda in ay magaalada Helsinki wadashaqeyn fiican kala yeeshaan arrimaha ka hortagga feyruska, islamarkaana ay dadka gaarsiiyaan farriin cad oo ah in saddexdaan toddobaad ee soo socda la joojiyo isla xiriirka iyo kulamda bulshada.

Jan Vapaavuori waxaa uu yiri:” Haddii aan saddexdaan toddobaad ee soo socda u hogaansanno hagista iyo talooyinka howladeennada, waxaa ay noqon doontaa guul laga gaaro faafista feyruska, islamarkaana aan loo baahan in la qaado tilaabooyin kale oo kuwa hadda jira ka sii adag”.

Duqa magaalada waxaa uu sheegay in haatan aan la oggoleyn in kulamada guud wixii kabadan 20 qof aan la isugu imaan karin, waxaana uu sheegay in maalinta berri ah ay soo saari doonaan  go’aan lagu joojinaayo inaan wax kulan ah la qaban karin mudadaas saddexda toddobaad ah.

Waxaa kaloo duqa magaalada uu intaa ku daray, in ururrada diiniga ah, sida sharciga uu dhigaayo, aanay iyagu sharci ahaan ka mid ahayn dadka xadayntu ay saameyneyso, laakiin waxaan ka codsanaynaa buu yiri in ay raacaan talo soojeedintaas, waxaana uu tilmaamay in kaniisadaha Luteraanka iyo Ortodoksigu ay sheegeen in  xadayntaas dowladdu ay soo jeedisay ay ku dhaqmayaan. Arrinka la is faraayo waa uun saddex toddobaad oo kaliya buu yiri, haddii loo hoggaansamo waxa la isfaraayana dhammaanteen ayaa guulaysanayna.

Ugu dambeyntii duqa magaaladu waxaa uu masaajidda uga mahadceliyay sidii wanaagsanayd ee gu’gii la soo dhaafay ay uga qaybqaateen howlihii ka hortagga feyruska, iyadoo dhammaanba masaajidda la xiray, sidaas si la mid ah ayaan idiinka rajaynaynaa ayuu yiri in aad xaaladdaana wax uga qabataan. Wuxuuna sidoo kale duqa magaaladu ka tacsiyeeyay dhammaanba dadkii bulshada soomaaliyeed kaga geeriyooday cudurkan safmarka ah awgiis.

Dhanka kale, waxaa warbixin la xiriirta xaaladda cudurka safmarka ah ee korona goobta ka soo jeediyay dhakhtarka sare Kustaa Piha. Wuxuuna sheegay in khatartu ay soo kordheyso, dad badan ay isbitaalka u galayaan cudurka, dhimashaduna ay sii kordheyso, gaar ahaan dadka waaweyn.

Dhakhtar Piha waxaa uu sheegay in howsha dabagalka cudurka ay si wanaagsan u socoto, haddana ay aad mashquul u tahay, sida caadiga ah 6 qof ayaa loogu talaggalay in ay ka shaqeeyaan, haatan waxaa ka shaqeeya 170 qof, iyadoo lagu qabanaayo dhowr luqadood oo kala duwan. Waxaana uu ugu baaqay masaajidda in ay ka qaybqaataan sidii lagu heli lahaa dad si naftood hurinimo leh uga qayb qaata howshaan dabaggalka, waxay u baahan tahay oo kaliya niyad wanaagsan, luqadda finishka oo uu qofku si wanaagsan u yaqaan iyo tababar gaaban oo la siinaayo.

Waxaa isna goobta ka hadlay madaxa qaybta shaqada iyo ajaanibta ee magaalada Ilkka Haahtela, oo isaguna ka warbixiyay sida ay magaaladu wax uga qabatay howlaha ka hortagga feyruska. Isagoo ka codsaday masaajidda in ay soo gudbiyaan aragtidooda la xiriirta sida ay diyaarka ugu yihiin in talosiinta la xiriirta feyruska korona iyo ka wada shaqaynta arrinka baarista laga fuliyo masaajidda gudahooda.

Qoraalkan waxaa soo diyaariyay : Abdirisak Sugulle / SSM