Maamulka Canshuuraha Finland oo kormeeraya maqaayadaha Finland ku yaal

verotoimisto- Sawirka Abdi Musse-SSMV

Agaasimaha maamulka canshuuraha u qaabilsan hagitaanka iyo ilaalinta canshuuraha, Marko Myllyniemi ayaa sheegay in sannadkan ay xoogga-saarayaan ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah.

Maamulka canshuuraha ee dalka Finland ayaa sheegay, in xilligan guga ee haatan lagu jiro ay xoogga-saarayaan kormeerka maqaayadaha ee la xiriira habka canshuur-qaadistooda iyo bixintooda iyo guud ahaan sharciyadda ay ku shaqeeyaan.

Muddadan cayiman ayeey kormeerayaasha canshuurtu baaritaan ku samaynayaan maqaayado badan oo ku yaal dacallada dalka Finland.

Marko Myllyniemi, agaasimaha maamulka canshuuraha u qaabilsan hagitaanka iyo ilaalinta canshuuraha ayaa sheegay, in inta badan ganacsatada maqaayaduhu ay waajibaadkoda uga soo baxaan sidii la rabay, laakiin ay jiraan kuwa si khalad ah wax u sameeya.

Maamulka canshuuraha ayaa sidoo kale sheegay, in ay si gaar ah xoogga u saarayaan arrimaha la xiriira lacagaha caawimaadda bulshada ah iyo in wixii tagrifal ama khalad u isticmaalid ah ee lacagahaas la xiriira ay u gudbinayaan hawlwadeennada kale ee ku shaqada leh arrimahaas.

Isha warka: Warbaahinta iyo maamulka canshuuraha Finland