Duqa magaalada Espoo Jukka Mäkelä oo afur wadareed u sameeyay 19.3.2024 Ururada Muslimiinta

Espoo – Duqa magaalada Espoo Jukka Mäkelä ayaa afur wadareed u sameeyay ururada Muslimiinta ee ka jira magaalada Espoo.

Afur wadareedka oo ahaa kii ugu horeeyay ee nuuciisa ah ayaa ujeedadiisu ahayd kulan isbarasho iyo xog-isweydaarsi uu duqa magaalada la sameynayo ururada Muslimiinta, iyadoo intii kulanku socday wakiilada Muslimiinta iyo duqa magaalada ay is weydaarsadeen sidii la isaga kaashan lahaa, xal waarana looga gaari lahaa caqabadaha heysta bulshada muslimiinta ah ee ku nool magaalada Espoo.

Duqa magaalada ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay in dadka ku dhaqan Espoo ay noqdaan kuwa u mideeyo sare u qaadista wada-noolaanshada wanaagsan ee dadka

Sheikh Abdirisak Sugulle oo ku hadlaayay magaca masaajidda intii lagu jiray afur wadareedka duqa magaalada Espoo u fidiyay ururada Muslimiinta. Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Sheikh Abdirisak Sugulle, Imaamka Masjidul Nuur ee magaalada Espoo oo ku hadlayay magaca masaajidda ayaa ugu horreyn uga mahadcelinayay maamulka magaalada Espoo ee uu hoggaaminayo duqa magaalada Espoo Jukka Mäkelä, munaasabaddaan afurka ee ay u sameeyeen muslimiinta..

Magaalada Espoo sannadba sannadka ka dambeeya waxaa ay u sii xuub-siibanaysaa inay noqoto magaalo laga helaayo dhaqamo kala duwan, taasoo lagammamaarmaan u ah in magaalada Espoo iyo bulshadaas dhaqammada kala duwan ay yeeshaan wadashaqayn dhab ah.

“Haddaan nahay wakiillada bulshada muslimiinta ah ee ku nool Espoo waxaan qabannaa shaqo joogto oo iskaa waxu qabso ah oo 24-ka saac ah, sidaas awgeed waxaan maamulka magaalada ka rajaynaynnaa in ay nagu garab istaagaan sidii aan u horumarin lahayn waxqabadkaas aan bulshada u haynno.” Ayuu yiri Sheikh Abdirisak Sugulle oo ku hadlaayay magaca Imaamyada.

Sheikh Sugulle ayaa sheegay in baahida ugu badan oo ay Muslimiintu qabaan ayay tahay ah in laga caawiyo helitaanka goob salaadda ciidda ay ku tukadaan oo ay si aad ugu dhiban yihiin hadda, sidoo kale in muslimiintu ay matalaad ku yeeshaan isbitaallada oo dadka bukaanka ah ay helaan imaam la socda xaaladahooda, islamarkaana siiya wixii talo iyo duco ah ee ay u baahan yihiin, markii ay musiibada dhimashada ah la soo gudboonaatana samirsiiya, una qabta wixii ay u baahan yihiin ee hawlaha aasitaanka la xiriira

Isagoo ugu dambeynii ku baaqay in si wadajir ah looF hortagno islaam nacaybka iyo fikirka khalddan ee diinta Islaamka laga faafinaayo, lana furno jawi wadahadal iyo wax isweydaarsi leh. Waxaa wax aad looga argagaxo ahaa waxyaabihii ka dhacay bishaan Ramadaam iskuullada qaarkood oo ay bisha soon ka faafiyeen macluumaad khalddan, taasna waxaa looga bixi karaa in la yeelo sidii awalba hawluhu ku socon jireen oo ah, in marka wax cusub soo ifbaxaan fikradaha la isweydaarsado, wax la isweydiiyo, oo la iska dhaafo doodahaan mindi mindida ku taagta ah.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay wakiilo matalayay macalimiinta, Dhallinyarada iyo dhallaanka iyo shaqo bixiyayaasha.

XILDHIBAANAD HABIBA ALI oo ka tirsan Golaha deegaanka magaalada Espoo oo ka hadashay madasha iftarka. Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

XILDHIBAANAD HABIBA ALI oo ka tirsan Golaha deegaanka magaalada Espoo oo ka hadashay madasha iftarka ka hadashay ayaa mahadcelin kaddib sheegtay, in Espoo ay iyadoo ilma yar ah timid illaa iyo haddana ay deggantahay. Waxaa kale oo ay sheegtay in aanay meelna uga socona magaaladeeda ay ku barbaartay. Xildhibaanadda ayaa dhanka kale sheegtay, in carruurta ay halkan ku dhaleen aanay jirin meel kale oo ay u socdaan sababtoo ah, halkan ayaa ah gurigooda. Habiba Ali oo ka hadlaysay dhanka xasaradda is-aqoonsiga ayaa ku nuuxnuuxsatay in maaddaama ay iyada iyo dadka kale ee la jaalka ay lahaayeen waalid uu aqoonsiga Soomaaligu ku xooggan, sidaas darteedna ay iyagu ku qasbanaayeen in ay labada dal iyo dhaqan ku dhex-noolaadaan. Taas beddelkeeda carruurtoodu waxay hadda yihiin Finnish barax-tiray oo aan soo marin marxaladda ay iyada dadka la midka ah.

FADUMO ALI oo ah Ganacsade, kuna hadleysay magaca shaqo bixiyayaasha. Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

FADUMO ALI oo ah Ganacsade, hal-abuur iyo dhiirrigeliso oo safka hore uga jirta ganacsatada hal-abuurka leh ee Finland hoggaamisana Shirkadda Hoiwa oo madasha afurka ah ka qaybgashay ayaa sheegtay in ay madasha ku meteleyso shaqo-bixiyayaasha iyo ganacsatada. Ganacsade Fadumo Ali ayaa sheegtay in wadashaqeyn wanaagsan la lahaayeen welina la leeyihiin magaalada Espoo.

Fadumo Ali oo iyada nafteedu ku barbaartay magaalada Espoo ayaa sheegtay in hadda ay tahay hooy carruur ku korsata magaalada ay iyadu ku kortay. Gancsade Fadumo ayaa xustay in Islaam nacayb kal hore magaalada ku billowday welina ka jira uu yahay mid kamid ah mushkiladaha ku xeeran Muslimiinta magaalada deggan.

JOHANNA SIREN oo iyaduna hadalka qaadatay ayaa ugu horreyn ka mahadcelisay afurka lagu casuumay. Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

JOHANNA Syren oo iyaduna hadalka qaadatay ayaa ugu horreyn ka mahadcelisay afurka lagu casuumay ee uu odayga ka yahay Duqa magaalada Espoo. Waxaa kale oo ay Johanna ka warbixisay waxqabadka Ururka dhaqamada kala duwan ee carruurta iyo dhallinyarada Espoo ayaa sheegtay in ay wadashaqeyn la sameeyaan magaalada Espoo iyo ururo kale.

duqa magaalada Espoo Jukka Mäkelä oo… Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Ugu dambeyntii duqa magaalada Espoo Jukka Mäkelä ayaa ka qaybgalayaasha uga mahdceliyay sida mugga leh ee ay u soo ajiibeen martiqaadka afur-wadareedka ah.

Jukka Mäkelä wuxuu warkiisa ku gabogabeey in wixii talo iyo tusaaleyn ah oo la xariira arrimaha laga wadahadlay lagu soo hagaajiyo Teemu Haapalehto oo ah madaxa qaybta arrimaha dadka wadanka u soo haajiray iyo Said Aden oo ah xeeldheere arrrimaha bulshada isla markaan soo agaasimay kulankaan

Duqa magaalada Espoo ayaa sidoo kale ammaanay doorka shariifka ah ee ay Muslimiinta ka qaataan horumarka iyo sumcadda magaalada.

Sawir guud ka qeybgalayaasha Afur wadareedka duqa magaalada Espoo u fidiyay Muslimiinta Espoo. Sawirka: Suomen Somalimediaverkost

Xuquuqda sawirrda/SSMV/Mohamed Ibrahim