Adeegyada bangiga Nordea iyo OP ee dhinaca Online-ka oo muddo kooban hakad geli doona, Sababo la xiriira balaarin lagu sameynayo adeegyada Bangiga

Bangiyada Nordea iyo OP ayaa macaamiishooda uga digay in ay adeegyada Bangiyada ee dhinaca Online-ka ah hakad geli doono muddo kooban sababo la xiriira ballaarin lagu sameynayo adeegyada Bangiyada ee dhinaca Online-ka ah, sida lagu sheegay warbixin lagu qoray mareegta Yle.

NORDEA BANK

Bangiga Nordea ayaa kula taliyay macaamiishooda inay u diyaar garoobaan in howlaha Bangiga ee dhinaca Online uu hakad geli dono muddo kooban, sababo la xiriira balaarin lagu sameynayo Howlaha bangiga. Shaqada ugu horeysa ee lagu balaarinayo howlaha bangiga ayaa bilaaban doonta maalinta Axadda ee berri ah saacaddu marka ay 4am ee subaxnimo kuna eg 2 duhurnimo ee isla maalintaas.

Shaqada labaad ee balaarinta ayaa iyana dhici doonta 23 – 25 Oktoobar. Bangiga ayaa sheegay in ay dib ka soo sheegi doonaan faahfaahino dheeraad ah ee la xiriira howshaas balaarinta ah.

Bangiga ayaa macaamiishiisa ugu baaqay inay u diyaar garoobaan howlahaas bangiga lagu balaarinayo iyadoo macaamiisha bangiga  lacagahooda ula bixi karaan si hordhac ah haddii ay u baahdaan, isticmaalaana System Online-ka marka howshu balaarinta ee kor ku xusan dhamaato. Bangiga ayaa sidoo kale sheegay in kaararka bangiga aan lagu iibsan karin cunto. Sidoo kale Howlaha Mobile bangiga ayaa iyana hakad geli doona.

Howsha lagu balaarinayo bangiga ayaa iyana saameyn doonta Kaararka bangiyada Stockman iyo TOUCH.

Bankiga Nordea ayaa sheegay in sababaha muddo kooban howlaha Bankiga ee Online-ka ah hakad u gelayaan ay la xiriirto ballaarin lagu sameynayo adeegyada dhinaca IT -systems-ka ah.

Howlaha lagu balaarinayo bangiga ayaa macaamisha qaar jahwareer kala kulmi doonaan marka ay la baxaan lacagahooda, maadaama ganacsiyada qaar aanay aqbaleyn lacag Cash ah si ay u yareeyaan qatarta fidista cudurka Korona Feyrus.

BANGIGA OP AYAA ISNA ADEEGYADIISA TIKNOOLOGIYADA IT-GA WAX KA BEDEL KU SAMEYNAYA

Sidoo kale, Bangiga OP ayaa macaamiishiisa uga digay in muddo kooban howlaha bangiga ee isticmaalka Online-ka ay hakad gelin doonaan, una diyaar garoobaan garoobaan howsha lagu balaarinayo howlaha bangiga dhinaca Tiknooligiyada IT. Howshaas balaarinta ah oo bilaaban doonta maalinta Sabtida ah oo maanta ah 10pm fiidnimo kuna eg 10am subaxnimo ee Axadda ee berri ah.

Inta howsha balaarinta ay socoto macaamiishu ma awoodi doonaan inay isticmaalaan Kaararka Bagiga ee wax lagu iibsado iyo mareegta Bangiga intaba.

Isha Warka: Yle news

Sawirka: Yle News