Dowladda Sucuudiga oo xadaysay tirada xujayda sannadkaan aadaysa magaalada brakaysan ee Makka

Madaxa shirkadda OmraHajjResor ee dalka Finland Beydiid, oo hoggaaminaayay xujayda Finland 2019-kii, Banka Carafa/ Xuquuda sawirka SSM verkosoto

Dowladda Sacuduiga ayaa shaaca ka qaadday, in si looga hortago faafista feyruska korona awgeed la xadayn doono tirada xujayda sannadkaan 2021-ka ka qaybqaadanaysa xajka ee tagaysa magaalada barakaysan ee Makka.

Sida dowladdu sheegtay waxaa loo qoondeeyay sannadkaan in ay xajka ka qaybqaataan 60.000 oo qof oo kaliya, kuwaasoo 15.000 oo ka mid ah ay yihiin muwaadiniinta u dhalatay dalka Sucuudiga, halka 45.000 ee kalena ay yihiin dadka ajaanibta ah ee ku nool dalka Sucuudiga.

Waxaa intaas dheer in shuruudaha dadkaas lagu xiray ay tahay, in da’doodu u dhexeyso 18-65 sano, islamarkaana ay qaateen tallaaka feyruska korona.

Tirada xujayda la oggolaaday sannadkaan ayaa ka badan tii sannadkii hore oo ahayd 1000 oo kaliya. Hase yeshee marnaba uma dhawa tirada xujayda ee sannad walba toos u aadi jirtay xajka oo kor u dhaafaysay 2,5 milyan.

Waa sannadkii labaad oo tirada xujayda aadyasa magaalada Maka la xadido, iyadoo dadka xujayda ah ee dibadda sucuudiga ka imaanayana la joojiyay, xanuunkan Covid-19 oo wali faafistiisu ka socoto dalkaas Sucudga awgeed.

24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa Sucuudiga laga helay tiro gaaraysa 1 175, dhimashaduna waxaa ay ahayd 18 qof. Tirada guud ee laga helay feyruska korona dalkaas Sucuudiga tan iyo intii uu xanuunkan safmarka ah ka bilowday ayaa gaaraysa 463,703 kun oo qof, iyadoo tirada guud ee dhimashaduna ay tahay 7 537 qof.

Xigasho: YLE