Dowladda oo go’aan ka gaartay lafaguristii ku saabsaneyd arrimaha canshuuraha

Dowladda ay hoggaamineyso ra’iisul wasaare Sanna Marin ayaa go’aan ka gaartay lafaguristii ku saabsaneyd arrimaha canshuurta. Waxaan halkaan ku soo koobnay go’aannada ugu muhiimsan ee saameynta ku yeelanaaya hawlaha nololmaalmeedkaaga caadiga ah.

  1. Dadka shaqo la’aanta ah oo laga dalbaayo shuruurdo cusub

Sdia ay dowladdu sheegtay adeegyada shaqada ee gaarka ah waxaa loo beddeli doonaa sida uu yahay kan wadammada waqooyiga Yurub oo kale. Arrinkaan waxaa loola jeedaa in la isku waajibin doono shaqo raadsashada, islamarkaana lacagaha nololmaalmeedka la iska joojin doono (karenssi), haddii qofku shaqada loo soo direy uu dalban waayo. Waxaana ay dowladdu sheegtay in ay jiri doonaan adeegyo shaqaale oo ka wanaagsan kuwii hore.

Haddii qofka baagamuudada ama shaqo la’aanta ah uu ka caajiso shaqo dalbashada, waxaa la siinayaa digniin. Waxaa lacagta nololmaameedka laga joojinayaa, haddii dalbka shaqo raadsashada uu sameyn waayo bisha xigta, laakiin karensiga la gelinaayo qofka wuu ka yar yahay kan hadda la geliyo.

  1. Qiimaha Sigaarka iyo Khmariga oo la kordhin doono

Dowladdu hore ayay u sheegtay in ay dooneyso in canshuurta sigaarka iyo khamriga la kordhiyo. Sidaas ayayna wadahadalkoodii lafagurista arrimaha canshuurta ay ku go’aamiyeen.

Xarunta ururka canshuur bixiyayaasha ayaa waxaa ay sheegeen , in kordhinta loo sameeyo sidii hore oo kale, uu baakadka sigaarka ah qiimihiisu ku kordhi doono 45 sentti. Dhinaca khamrigana waxaa halkii dhalo oo khamri ah ku kordheysa 40 sentti.

  1. Kharashka daryeelka xannaanada carruurta waa la dhimayaa

Kharashka arrimaha la xiriira barbaarinta hore (varhaiskasvatus) waa la dhimayaa. Ujeeedada laga leeyahayna waa sidii loo kordhin lahaa dhiirigelinta shaqo qabashada.

Sida ay dowladdu sheegtay waxaa go’aankan uu keenayaa in tiro badan oo qoysas cusub ah, ay soo geli doonaan kooxda bilaashka ama lacag la’aanta ay u noqoneyso barbaarinta hore.

  1. Waxaa la hagaajin doonaa faa’iido-canshuureedka gawaarida dikhowga yar hawada ku sii daaya ee safarka shaqo lagu tago

Waxaa la taageeri doonaa u wareegista dhanka gaadiidka dikhowga yar hawada ku sii daaya, iyadoo bilowga sannadka 2021-ka la samaeyn doono dib u cusbooneysiin la xiriirta arrimaha canshuurta ee gaadiidka shaqada lagu tago.

Sida dowladdu sheegtay canshuurta gaariga shaqada ahaanta loo isticmaalo ee korontada buuxda ku shaqeeya waa la dhimi doonaa, sidoo kale cabbeynta ama koronto ku shubista gaariga ee goobta shaqada iyo goobaha guud ee dadkoo dhan ka dhexeeya, waxaa laga dhigi doonaa faa’iidada ah canshuur dhaafista sannadaha 2021-2025.

Waxaa intaas dheer in canshuurka tigidhka safarka ee shaqada la fududeyn doono, baaskiilka shaqada lagu tagana waxaa laga dhigayaa illaa iyo 1200 yuuro oo ah faa’iidada canshuur dhaafista.

5.Waajibka waxbarashada waa uu sii ballaaran doonaa

Dowladdu waxaa ay sheegtay in ay qof kasta oo dhalinyaro ah lagu waajibin doono in uu waxbarashada sii waado illaa iyo heerka labaad ee ka dambeeya dugsiga dhexe. Waxaana waajibka waxbarashada uu socon doonaa illaa iyo inta uu qofku ka gaarayo 18 sano jir.

  1. Canshuurta lacagta mushaarka lama kordhinaayo

Sababaha lagu saleynaayo canshuurta lacagta mushaarka ah waxaa lagu sameyn doonaa indeksiga (tirsiga saamiga) ee lagu hubinaayo dhammaanba heerarka dakhliga, si aanay canshuurtu u sii kordhin, marka uu kor u kaco heerka guud ee mushaarka.

Isha warka: Yle