Furitaanka xadka Finland iyo Sweden oo maanta noqday warka ugu muhiimsan ee warbaahinta Isweden.

Go’aankii dowladda Finland ee lagu dabcinaayay xayiraaddii safarka ayaa wuxuu noqday warka ugu muhiimsan ama ugu horreeya ee maanta laga sii daayay qeybaha kala duwan ee warbaahinta dalkaas Sweden.

Telefishinka qaranka ee Sweden ayaa boggiisa internetka ku soo qoray war cinwaankiisu yahay ” Finland oo xadkii u fureysa Sweden”. Wargeyska Dagned Nyheter ayaa isna cinwaan weyn ku qoray ”Finland oo dabcinaysa shuruudihii aadka u adkaa ee ay dusha hore uga saartay dadka reer Sweden”.

Dowladda ayaa dabcisay xadayntii hore loogu soo rogay dadka safarka dibadda uga imaanaay Finland. Waxaana laga bilaabo Sabtida soo socta ee 19.9. Finland safar looga imaan karaa dalalka ay tirada faafista feyruska korona ee boqolkii kun ee qofba ay ka badato cadadkii la xadiday ee 25-ka. Shardigii hore ee illaa iyo haatan shaqaynaayay wuxuu ahaa sideed qof.

Waxaana arrinkaan loola jeedaa sida ay sheegtay wasiirka Arrimaha gudaha Maria Ohisalo, in laga bilaabo toddobaadka soo socda ay Finland imaan karaan dadka ka imaanaya 15 dal oo ay Sweden ka mid tahay.

Weriyaha telefishinka qaranka ee Sweden u jooga Finland Hasse Svens ayaa sheegay, in aragtiyada la xiriira xagga dhaqaalaha ay noqdeen kuwo cadaadis saaray in wax laga beddelo siyaasadda dowladda Finland.

” waxaa mar walba la oranaayay, in waxa ugu horeeya ee ay dowladdu ka fekereysaa ay tahay caafimaadka dadka finishka ah, Laakiin waan iska ogeyn in aragatiyada dhanka dhaqaalaha la xiriira aan marnaba waligood gooni loo tuuri karin”, ayuu yiri Svens.

Isha warka: HS