Dowladda Finland oo soo saaraysa Go’aanno dheeraad ah oo lagu fasaxayo safarka dibadda

Espoo 18.6.2020-Pekka Haavisto, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Finland ayaa sheegay in Xukuumaddu ay ka xaajoonayso Talaadada soo socota ee ku beegan 23.6.2020 sidii loo fasixi safarada dibadda lagu aadayo.

Wasiirka ayaa sheegay in su’aasha meesha taal ay tahay, in la dabcinayo talooyinka dhinaca safarka ee ku aaddan tusaale ahaan dalka Jarmalka.

Haavisto ayaa sidoo kale sheegay in haddii xaaladda Fayruska Korona ay deganaantan ku sii socoto ay iguna ay sii wadayaan isbeddellada lagu fududaynayo socdaalka dibadda.

Isha Warka: Yle