Dowladda Finland oo cambaareeysay weerarkii argagixisadu ku qaadday hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho

Sawirka Hotel Hayat. Xuquuqda sawirka: SNTV

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland Pekka Haavisto ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii  argagixiso ee kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen hotelka Hayaat ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii ay eheladoodu ku geeriyoodeen, waxaana u rajeeyay kuwii ku dhaawacmay in ay si deg deg ah u bogsoodaan” Pekka Haavisto, Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland ayaa sidaa ku sheegay war saxaafadeed kooban oo lagu daabacay barta wasaaraddu ku leedahay twitter.

War saxaafadeedka  ayaa intaa sii raaciyay in dowladda Finland ay ku garab taagan tahay dowladda Soomaaliya la dagaalanka argagixisada.

Kooxda Al-Shabab ayaa sheegatay weerarka maalinnimadii Jimcaha lagu qaaday hoteelka Hayaat ee magaalada Muqdisho. Weerarka ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyootay in ka badan 20 qof, tiro 40 kor dhaafeysana waa ay ku dhaawacmeen.

 

Waxaa sidoo kale weerarkaas arxandarada ee lagu qaaday hoteelka Hayat ee magaalada Muqdisho cambaareeyay Xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo sidoo kale ah Erggayga Gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda u qaabilsan nabadaynta Geeska Afrika. Xildhibaanka ayaa sidoo kale garab istaag u muujiyay dowladda Soomaaliya iyo la dagaalada ay kula jirto argagixisada.