Doorashooyinkii golaha deegaanka ee dalka Finland oo soo gabagaboobay iyo Soomaalida oo ku leh xildhibaano badan golayaasha degaanka.

Qaar ka mid ah sawirada Soomaalida ku guuleystay Golaha deegaanka degmooyin kala duwan oo ku yaala dalkan Finland.

Doorashooyinkii golaha degaannada ee dalkaan Finland oo socday madadii u dhexeysay 26.5-13.06.2021, ayaa maalintii Axadda ahayd la soo gabagabeeyay.

Waxaa doraashada ku guuleystay xisbiga midigta ee Kokoomus, oo helay kuraasta ugu badan ee inta badan maagaalooyinka dalkan Finland. Xisbiga Kookomus kaalinta koowaad ayuu ku galay 21.4, halka xisbiga hoggaamiya xukuumadda wadaagga ah ee SDP (Social Democrat Party) uu kaalinta labaad ku galay 17,7, xisbiga Keskusta (Centeral Party) ayaa isaguna kaalinta saddexaad ku galay 14,9. Xisbiga mayalka adag ee ka soo horjeeda ajaanibta ee Perus Suomalainen (Finnish Party) oo aad loo saadaalinaayay in ay kaalimaha hore galaan ayaa galay kaalinta afaraad 14.5.

Sida guud ahaaneed, tirada dadka codeeyay sannadkaan ayaa aad u yarayd, taasoo sabab looga dhigay dib u dhigistii lagu sameeyay doorashada cudurkaan cudurka safmarka ah ee korona awgeed, waayo sidii caadiga ahayd doorashadu waxaa ay dhici jirtay bisha Afaraad, maadaama dib loo riixay oo ay ku soo beegantay bisha Lixaad, ayaa waxaa loo aanaynayaa in taasi ay sababtay in dad badan oo codayn lahaa ay ka baaqdeen, oo fasaxyadii la kala galay.

Dadka arrimaha siyaasadda falanqeeya ayaa tilmaamaya in yaraanta tirada dadka codeeyay ay dhibaato ku noqotay xisbiga talada dalka haya, oo dadkii u codayn jiray aanay si firfricoon u codayn, halka xisbiga mayalka adag ee PS uu ka faa’iiday, maaddama qolyihii kale ee uu la tartamaayay ay meesha ka baxeen.

Marka laga hadlo Soomaalida ka qaybqaadatay murashaxnimada golaha degaannada oo tiradoodu ay gaaraysay illaa iyo 16 qof, ayaa waxaa golayaasha degaanka ee magaalooyinka kala duwan soo baxay illaa 11 xildhibaan, iyadoo ugu yaraan 5 xilidhibaan ay galeen kaalinta keydka koowaad.

Magaalooyinka ugu waawayn ee ay murashixiintu Soomaalidu soo galeen waxaa ka mid ah Helsinki oo 2 xubnood, Espoo 2 xubnood, iyo Turku oo 3 xubnood ay u soo galeen.

Doorashooyinka sannadkaan ayaa u muuqda in ay tahay guul weyn oo u soo hoyatay dhanka soomaalida, kaddib markii ay muujiyeen codkooda.