Dhibaatooyinka dhallinyaradeenna maxaa nagala gudboon.

Somalis waving flag

Waxaa arrin lala yaabo ah waxa markasta oo doorasho soo dhowdahay  ku beega dhibaato ay geysteen dhallinyaradeenna. Afar sano kahor ayay ahayd markii doorashada lagu galay kiiskii lagu eedeeyay in dhallinyaro soomaali ah ay isku dayeen in ay gabar kufsadaan. Hadda oo doorashooyinkii ay laba bilood oo kaliya naga xigaan, waxaa mar kale canaawiinta warbaahinta qabsaday, dagaal la isku isticmaalay toorey, budhadh iyo waliba hub la qabtay oo u dhexeeyay dhallinyaro Soomaaliyeed oo ka kala socday laba xaafadood. Waa arrin aad khatar u ah oo u baahan waxkaqabasho inta aanay xaaladdu meel sare gaarin. Markaad eegto faallooyinka ay ka bixinayaan dadka finishka ah warkaas aad baad ula yaabaysaa, waxaad oganaysaa illaa heerka ay gaarsiisan tahay  carada iyo ciilka ay qabaan dadka waddanka u dhashay, taasoo sahli doonta in codbixinta doorashada ay xisbiyada ka soo horjeeda ajaanibta sida, Perussuomalainen ku helaan codad badan.

Haddaba waxaan soo jeedin lahaa dhowr talo oo aan isleeyahay arrinkaan ayay wax ka tarayaan

  1. In marka hore aan arrinkaan la buunbuunin oo warkaas aan meelna lagu faafin, lana shayrgarayn, sida Fb-ga, instigraamka iyo Snapchatka, waayo buunbuunita arrinkaan waxaa ay wax u tahay kuwa doonaya in ay dhibaatooyinkeenna iyo khladadaadkena ka faa’idaystaan oo cod ku helaan.
  2. Sida igu maqaalo ah howsha haatan waxaa ku jira dad hawlwadeenno Soomaaliyeed iyo kuwa dalkaan Finland ah, markaa waxaa habboon in iyaga loo daayo xalka arrinkaan iyo wax kaqabashadiisaba, wixii ay ka bulsho ahaan nooga soo baahdaan oo wadashaqayn ah iyo sidii arrinkaan looga hortagi lahaana aan la yeelanno.
  3. Bulshada reer Finland iyagoo isku duuban in ay arrinkaan curdanka ah meel uga soo wadajeestaan, wax kaqabashadiisana iska kaashadaan inta uu cusub yahay, haddii kale waxaa dhici doonta sida haatanba waddamo badan oo reer galbeedka ah ka taagan (USA, Canada iyo Sweden), in isdilkaan iyo iscayrsashadaan ay dhallinyarada dhexdooda ka gudubto oo ay u gudubto waalidka iyo xubnaha kale ee qoyska, waayo marka aargoosiga iyo dagaalku bilowdo, qof la dhowrayaa ma jiro, horaana soomaali u tiri: “Dabkii munaafaq shido mu’min baa ku gubta”, waxaana intaas oo dhan kaba qiimo iyo waxsheeg badan Allaah oo Quraanka kariimka ah noogu sheegay:

وَاتَّقُوا فِتْنَةً لَّا تُصِيبَنَّ الَّذِينَ ظَلَمُوا مِنكُمْ خَاصَّةً ۖ وَاعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ

“war ka dhowrsada oo iska ilaaiya fitno aan haleeli doonin kuwii dulmiga gaystay oo kaliya”, taasoo macnaheedu yahay in fitnadu marka ay bilaabato aanay cidna reebeyn. Waa in dhammaanteen aan hurdada ka kacnaa, oo xitaa waalidka ilmihiisu u hagaagsan yihiin haatan, haddii  aysan ka shaqayn kahortagga iyo joojinta arrinkaan, dabku wuu soo gaarayaa, guri walbaana wuu soo galayaa, waayo dhallinyaradu waa isku daydaam, xumaantana waa la isu soo jidaa.

  1. Waalidiinta waxaa la gudboon in ay hurdada ka toosaan oo ay la socdaan xaalka carruurtooda, waayo iyadoo la ogyahay dhibaatada dalkaan iyo in aan carrurta marka ay qaangaaran waxbadan arrinkooda laga qaban karin, haddana waxaan isleeyahay iyadoo Allaahna loo kaashanayo, haddii dadaal dheeri ah uu jiri lahaa, waliba inta ay dhallinyaradu yar tahay, sidaan wax ma noqdeen oo xaalku intaa waa dhaami lahaa. Laakiin haddii aanayba mas’uuliyad jirin, amaba waalidku uusa la socon isbeddelka ku dhacayay ilmihiisa oo maalinba heer soo joogay, marka ay xeero iyo fadhaal kala dhacaan wax ka qabasho ma lahan, ee waxkaqabashadu waxay habboonayd maalinkii uu ilmahan yar si tartiib tartiib khadka uga baxayay, ee uu waayay waalid gacanqabta oo war kajoog yiraahda, maadama uu waalidkuba yahay maqanejooge.

5.Ugu dambayntii waxaan u soo jeedin lahaa ururrada bulshada ee SS-ta ah ee faraha ka batay (oo waliba qaarkood loo asaasay waxkqabashada arrimaha dhallinyarada), waalidiinta, maamullada masaajidda iyo waxgaradkuba in ay u hawlgalaan sidii arrinkaan looga hortagi lahaa, iyadoo lala kaashanaayo hawlwadeennada soomaaliyeed iyo kuwa finishka ah ee haatan hawlahaan faraha ku haya, lalana yeesho wadashaqayn wanaagsan.

Waxaan isleeyahay wixii igaga aadaan ee talooyin ah waan dhiibay, waxaanan raadinayaa waa wanaag. Towfiiqadana Allaha na wafaajiyo, dhallinyaradana Allaha jidka xaqa ah ha ku soo celiyo, inta hanuunsana fitnada llaha ka ilaaiyo oo xaqa ha ku sugo.

Waxaa qoray: Abdirazak Sugulle Mohamed