Dood ku saabsan Xasaradaha dunida ka jira iyo sida xasaradahaas dhexdooda lagu yahay oo lagu qabtay magaalada Espoo-  Wasiir Pekka Haavisto oo ka hadlay doorka diblumaasiyadeed ee MP Suldaan Said Ahmed

Kuva- Abdi Musse-SSMV

”MP Suldaan Said Ahmed ayaa shaqo fiican ka haya Geeska Afrika oo dhan- shaqada uu halkaas hayana aad ayaa gobolka looga soo dhoweeyay.”  Wasiirka arrimaha dibadda Finland Pekka Haavisto

Maktabadda Sello ee magaalada Espoo ayaa waxaa maanta ka dhacday dood ku saabsan xasaradaha dunida ka jira, xaaladda dadka xasaradahaas ku dhex-nool iyo guud ahaan saameynta caalamiga ah ee ay xasaradahaas leeyihiin.

Doodan ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirka arrimaha dibadda Finland Pekka Haavisto, xildhibaanad Inka Hopsu, Hintikka iyo Jouni Hemberg oo agaasime sharafeed ka ah Hay’adda FCA Jouni Hemberg.

Kuva- Abdi Musse-SSMV

Doodda oo ay daadihinaysay xildhibaanad Inka Hopsu ayaa lagu qaadaa-dhigay xaaladaha cakiran ee haatan dunida ka taagan, colaadda lagu hoobtay welina socota ee u dhexeysa Ruushka iyo Yukreyn iyo xadgudubyada xuquuql-insaanka ee ka jira meelo badan oo dunida ah.

KUVA ABDI MUSSE-SSMV

Isbeddelka cimilada caalamka oo iyaduna dhankeeda ka wadata xasarad nololeed iyo mid deegaan ayaa meesha looga hadlay. Dhulgariirka Turkiga iyo Suuriya maalmo yar kahor ka dhacay ayaa lagu sheegay in uu yahay masiibada ugu dambeysay ee iminka dunida ka taagan.

Pekka Haavisto ayaa sheegay, in afar sano kahor kolkii doorashada baarlamaana loo dareerayay aan lagu xisaabtamin in safmarka Korona dillaacayo ama dagaalka Yukreyn ka socda uu qarxayo.

Kuva- Abdi Musse-SSMV

Wasiir Pekka oo xaaladda Afrika, gaar ahaan Geeska Afrika ka hadlayay ayaa sheegay in xasaradaha dunida ka dhacay uu ka mid yahay dagaalkii gobolka Tigreega ee Itoobiya ka dhacay, kaas oo heshiis nabadeed hadda laga gaaray. Dowladda Finland ayuu wasiirku sheegay in ay dhinacyo badan ka caawinayso Itoobiya si aanay colaad dambe u soo laaban.

Wasiir Pekka Haavisto oo dhanka kale ka hadlayay shaqada dhexdhexaadinta iyo nabadeynta ah ee uu Ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibadda Finland u qaabilsan Dhedhexaadinta iyo nabadaynta Geeska Afrika MP Suldaan Said Ahmed ka hayo Geeska ayaa yiri:- ”MP Suldaan Said Ahmed ayaa shaqo fiican ka haya Geeska Afrika oo dhan- shaqada uu halkaas hayana aad ayaa gobolka looga soo dhoweeyay.”

Turso oo ka tirsan dadka Uighuuriyiinta ah ee Finland ku dhaqan ayaa ka hadlay xaaladda Uighuuriyiinta ee Shiinaha. Uiguuriyuunta ayuu sheegay in ay yihiin dad asal ahaan Turki ah oo dhaqan, diin iyo asal ahaanba ka duwan dadka Shiineeska ah. Sababtaas darteed ayuu sheegay Turso, in ay dowladda Shiinuhu u doonayso in ay dadka Uiguuriyuunta ah u dhalan-rogto oo ka dhigyo nooca ay doonayso.

Qaar ka tirsan dadka u dhaqdhaqaaqa bulshada Yukreyn ee deggan Finland oo meesha ka hadlay ayaa sheegay in ay Finland uga mahadcelinayaan taageerada ay u fidiyeen welina la garab-taagan yihiin Yukreyn tan iyo markii uu Ruushku weerarka ku soo qaaday.

Pekka Haavisto ayaa dhanka kale ka hadlay ku biirista Nato ee Finland iyo saamaynta ay ku biiristaasi ku yeelan karto dhexdhexaadinta iyo arrimaha nabadda ee Finland lagu yaqaan.

Wasiir Pekka Haavisto oo ka hadlayay in Finland ay sii wadayso hawlaha nabadda la xiriira ee ay dunida ka waddo marka ay Nato ku biirto kaddib ayaa sheegay in ay sii wadayaan wax isbeddel ahna aanu arrintaas ku imaanayn.

Haavisto Wuxuu sheegay in tusaale ahaan Norway ay hawlaha nabadda weli sii waddo, inkastoo ay Nato ka tirsan tahay. Tusaale kale ayuu su qaatay Turkiga oo meelo badan  ka sameeyay dadaallo dhexdhexaadin iyo nabadayn ah.

Ugu dambeyntii wuxuu Pekka sheegay in Finland aanay ka daalayn dadaallada nabadda ee ay dunida ka waddo xittaa haddii ay ku biirto gaashaanbuurta Nato.

SSMV