Diyaarado dagaal oo uu Ruushku leeyahay ayaa la tuhunsanyahay in ay ku soo xad-gudbeen Hawada Finland

Helsinki 28.7.2020- Wasaaradda Difaaca Finland ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in la tuhunsanyahay in labo diyaaradood oo noocoodu yahay Suhoi Su-27 lagana leeyahay Ruushka ay ku soo xad-gudbeen hawada dalka Finland. Diyaaradaha dagaalka Finland ee Hornet loo yaqaan ayaa waxay u duuleen

dhinaca ay diyaaradahan labada ah ka soo galeen hawada Finland si ay u aqoonsadaan cidda iska leh diyaaradahan la tuhunsanyahay in ay hawada Finland ku soo xad-gudbeen.

Waxaa la tuhunsanyahay in diyaaradahan ay muddo labo daqiiqo ah ku dhex-duuleen hawada Finland, gaar ahaan meel aan ka fogeyn Helsinki. Arrintu waa mid tuhun ah waxaana hadda hawshaas ka gungaariddeeda gacanta ku haya Ciidanka ilaalada Xuduudaha Finland, ayaa lagu yiri hadal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Finland.

Wasaaradda Difaaca Ruushka oo iyaduna soo saartay war ayaa sheegtay in Ruushku aanu ku xad-gudbin hawada dal kale. Ma ahan markii ugu horreysay oo ay diyaaradaha dagaalka ee Ruushku ku xad-gudbaan hawada Finland.

Wasaaradda Difaaca Finland ayaa sheegaysa in Ruushku ay dalka Finland ku soo xad-gudbaan sannadkii 1-6 jeer.

Xuquuqda sawirka: Yle