Dal kale oo ku soo biiraya dalalka ku bahoobay isticmaalka lacagta Yuurada (Euro)

Kuva-SSMV

Lacagta Yuurada ah oo ay haatan isticmaalaan 19 dal ayaa waxaa billowga sannadka 2023 ku soo biiraya dalka Koroweeshiya (Croatia).

Tirada dalalka isticmaala lacagta Yuurada ah ayaa markaas noqonaysa 20 dal laga billaabo bisha Janaayo ee sannadka 2023.

Dalka Koroweeshiya oo ah dal yar ayaa sidoo kale ku biiray Midowga Yurub 1:dii Luulyo ee sannadkii 2013.

Bangiga dhexe ee Yurub ayaa dhanka kale warbixin uu soo saaray ku bari-taageeray ku biirista ay Koroweeshiya ku biireyso dalalka isticmaala lacagta Yuurada.

Guddiga Mudowga Yurub ayaa iyaguna dhankooda ku dhawaaqay in Koroweeshiya ay buuxisay dhammaan shuruudaha ku hor-gudban ku biirista dalalka isticmaala lacagta Yuurada ah.

Dalalka doonaya in ay ku biiraan isticmaalka lacagta Yuurada ah ayaa waxaa shardi ahaan horyaal, in sicirka ascaartoodu uu xasilanyahay, in is-dhinka ama khasaaraha adeegyada dadweynaha iyo deymaha ka dhasha ay xakamaysan yihiin iyo in sarifka lacagta dalkaas uu yahay mid xasilan marka yuurada loo eego.

Isha warka: MTVuutiset, Baanka dhexe ee Midowga Yurub, Guddiga Midowga Yurub