Dhallinyaro Booliska dhagxaan iyo dhalooyin ku wareertay

Helsinki 20.6.2020- Booliska Helsinki oo ilaalo ku tegay xeebta aadka loo jecelyahay ee Hietaniemenranta ayaa waxaa weerar ku qaaday dhallinyaro halkaas joogtay.

Booliska ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa internetka ku sheegay in waxyar kahor labadii arroonimo uu garoonka halkaas ku yaal ee lagu ciyaaro kubbadda Kolayga dagaal ku dhexmaray labo kooxood oo dhallinyaro ah.

Booliska ayaa hal qof oo dhallinyaradaas dagaashay kamid ah qabtay kaddibna u kaxeeyay dhanka gaari ay boolisku wateen si ay su’aalo u weydiiyaan. Markii ay boolisku qofkaas u kaxeeyeen gaariga booliska ayeey  dhallinyaradii kale ee halkaas joogtay billaabeen in ay booliska ku xoomaan.

Kirsi Kanth oo dembi baare sare ka ah Ciidanka Booliska Helsinki oo ka warbixinaysay dhacdadan ayaa tiri- ”Kahor inta aysan xaaladdan dhicin ayeey boolisku farageliyeen xaalad dagaal oo halkaas ka jirtay. Markii ay boolisku qof dagaalkaas ka qaybgalay qabteen una kaxeeyeen dhinaca baabuurka booliska ayeey koox dhallinyaro ah billowday in ay booliska hareerayso, dhalooyin ku tuurto hadallo aan munaasab ahaynna ku tiraahdo booliska.”

Kooxdan dhallinyarada ah ayaa sida ay boolisku sheegeen waxay baabuurta booliska ku tuureen gantaallada rashka ah ee dabbaaldegyada loo isticmaalo.

Warbixinta booliska ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in markii ay xaaladdu faraha ka baxday ay boolisku dalbadeen gurmad dheeraad ah.

Booliska ayaa kala cayrinta kooxdan dhallinyarada ah u adeegsaday gaaska dadka lagu buufiyo, kaddib markii ay dhallinyaradan qaadan diideen digniintii uu boolisku siiyay.

Boolisku waxay goobta ka qabteen shan qofood, qof shantaas kamid ahna waxay boolisku geeyeen gurigiisa afarta kalana waxay u dhaadhiciyeen xabsiga booliska. Dadka ay boolisku qabteen dhammaantood waa rag. da’dooduna waxay ka hoosaysaa 18 sano.

Dadkan ayaa hadda ku eedeysan in ay dagaal kala horyimaadeen saraakiisha dowladda iyo in ay waxyeello geesteen. Baabuurtii booliska ee halkaas taalay iyo kuwa ay dad shacab ah lahaayeen oo yaalay meelo u dhow xeebta ayeey waxyeello ka soo gaartay dhibaatadan halkaas ka dhacday.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta keentay dagaalka dhalinyarada dhexmaray waxayna boolisku sheegeen in ay la xiriirayaan dhallinyarada goobta joogtay iyo waalidka dhallinyaradaas, maadaama ay dhallinyaradan da’ ahaan ka yar yihiin 18 sano.

Isha warka: poliisi.fi

Sawirka: Iltasanomat