Dhallinyaro ajnabi oo ay kuwo soomaaliyeed ka mid yihiin, oo dagaal toorey iyo budhadh loo adeegsaday uu ku dhexmaray xaafad ku taalla Helsinki.

Khamiis 01.04.2021.  Toban dhallinyaro ah oo da’doodu u dhexeyso 20-25 sano jir ajnabi ah ayaa maanta xabsiga la dhigay, iyadoo lagu soo eedeyeey dhac iyo dagaal gacmaha la isula tagay. Sidaasna waxaa sheegay booliska magaalada Helsinki.

Kooxdaas dhallinyarada ah waxaa lagu soo eedeeyay dambiyada kala ah jirdilka iyo dhaca aadka u culus. Sidoo kale waxaa dhallinyaradaas lagu qabtay hubka wax lagu toogto oo ay si sharcidaarro ah u haysteen. Dambiyadaa awgood ayaana maanta xabsiga loo dhigay.

Liiska maxkamadda Helsinki ee waajib fulinta waxaa ku cad in dhammaanba eedeysanayaashu ay yihiin ajnabi, tirada ugu bandanna ay Soomaali yihiin.

Sida booliska Helsinki uu sheegay, xarunta emerjensiga ama arrimaha degdegga ah waxaa soo gaaray Sabtidii 27.3 wargelin, taaso lagu sheegay in koox rag ah ay dhibaato iyo buuq ka wadaan xaafadda Pikku-Huolahti ee magaalada Helsinki. Waxyar kaddibna waxaa xarunta emerjensiga soo gaaray, in goobta dhibaatadu ka dhacday lagu toorreeyay nin 18 sano jir ah, iyo in sidoo kale wiil yar oo aan wali da’da qaangaarka gaarin la harraatiyay islamarkaana lagu garaacay budhka lagu ciyaaro baysboolka.

Sida boolisku sheegay waxaa gobtaa ka baxsaday dhallinyaro saarnayd saddex gaari oo kala duwan, kuwaasoo boolisku ay ku qabteen wadada caanka ah ee Mannerheimintie.

Waxaa gawaarida laga soo saaray oo la qabtay 10 dhallinyaro ah, kuwaasoo dhashay sannadkii 1990-kii. Waxaa kaloo gawaarida laga soo saaray oo lagala wareegay dhowr budhadhka baysboolka ah, laba baangad oo kuwa geedaha lagu jaro ah, toorreeyo iyo hubka wax lagu toogto.

Baaritaankii ay boolsiku sameeyeen waxaa ku caddaatay, in koox dhllinyaradaas ah ay subaxnimadii sabtiga ka soo baxeen magaalada Vantaa, halkaasoo ay ka soo iibsaden dhowr budh oo kuwa baysboolka ah. Kaddib eedeysanayaashu waxaa ay gawaaridooda u jiheeyeen dhinaca xaafadda Piku-Huopalahti ee magaalada Helsinki, halkaasoo ay weerar ugu gaysteen koox kale oo dhallinyaro ah oo isugu jirtay kuwo qaangaaray iyo kuwo aan wali qaangaarinba. Sida warbixinta boolisku ku sheegeen, dhallinyaradii kale waxaa u suurtagshay in ay goobta ka cararaan, hase yeeshee wiil yar oo aan wali qaangaarin oo isku dayay inuu goobta ka baxsado ayaa kufay, dabadeedna kooxdii weerarka soo qaadday ayaa ku bilaabay in ay harraatiyaan islamarkaana la dhacaan budhka baysboolka, sidoo kale waxaa ay ka xoogeen telefoonkiisii gacanta. Islagoobtaas ayaa kooxda weerarka soo qaaday waxaa ay toorrey lugta ka geliyeen nin kale oo dhalinyaro ah oo 18 sano jir ah.

Boolisku waxaa ay sheegeen in arrinkaan  uu u muuqday mid hore loogu heshiiyay islamarkaa la sii qorsheeyay.

Illaa iyo xagaagii sannadkii la soo dhaafay waxaa caasimadda iyo hareeraheeda ka socday dagaallo u dhexeeya dhallinyarada soomaaliyeed oo xaafad xaafad la isgu duulo, awal arrinku wuxuu ku ekaa dagaal gacmaha la isula tago ama toorey la isu adeegsado, laakin haatan waxaad mooddaa in uu arrinku faraha ka sii baxayo oo sheekadu ay marayso in dhallinyaradii ay hubaysan yihiin, sida warkaan ku cad. Waxaa kaloo dhallinyarada ka dhexeeya xifaaltan cay ah oo hawada la isumariyo, iyadoo intooda badan haatan ay qaadaan heesaha raabka loo yaqaan, kuwaaso la isugu gudbiyo farriimo cay iyo hanjabaad xambaarsan.

Lama oga natiijada arrinkaan halka ay ku dambayn doonto, iyadoo waliba  uu ku soo beegmay xilli ay dalka ka jirto doorashooyinkii golaha degaanka oo dhici doona 13.6.2021, taasoo mawaadiicda ugu kulul ee saaxada doorashada yaalla ay qayb muhiim ah ka yihiin ajaanibta iyo mashaakilaadkoda.

Waxaana arrimahaas ka soo horjeedkooda ku qaraabanaya oo codadka dadka kaga kalluumaysanaya xisbiyada mucaaradka ee uu ugu horreeyo xisbiga Finishka aslka ah (Perussuomalainen), taasoo ay dhici karto sidii horeba u dhacday in arrinkaan  dartiis ay codad badan ku helaan.

Warbaahinta SSM.

Qaybta kore ee warka waxaan ka soo xiganay MTV3, inta ugu dambaysa ee faallada ahna waa aragtida qoraaga.