DEGDEG: SULDAAN SAID AHMED OO NOQONAYA XILDHIBAANKII UGU HORREEYAY EE SOOMAALI AH OO GALA BAARLAMAANKA FINLAND

Suldaan Said Ahmed oo diraya Hambalyada 60 guurada Xornimada Soomaaliya

Helsinki 28.6.2021- Kaddib markii ay Silvia Midig oo ka tirsan baarlamaanka Yurub ay shaaca ka qaadday in aanay siyaasadda gudaha Finland dib ugu soo laabanayn ayaa waxaa mar qura isbeddelay xil-qaybsiga xisbiga Bidixda, taasina waxay ka dhigantahay, in Siyaasi Suldaan uu buuxinayo booska uu Xildhibaan Paavo Arhinmäki bannaynayo, maadaama uu isagu u wareegiyo xilka ku-xigeenka duqa magaalada Helsinki.

Suldaan wuxuu nasiib u yeeshay in uu noqdo xildhibaankii ugu horreeyay ee dumiya gidaarkii siyaasadda Finland ku gudbanaa, maadaama uu noqday siyaasiga asal ahaan Soomaaliya ka soojeeda oo gala Golaha sharci-dejinta Finland.

Hambalyo Suldaan!

SSMV