Darawallada basaska ee ka tirsan iskaashatada gaadiidka ee AKT oo shaqo-joojin billaabay- halkan ka fiiri basaska aan shaqaynayn

Bas laamiga maraya- Abdi Musse SSMV

Ka gadaal markii ay shirkadaha basaska iyo iskaashatada xirfadlayaasha gaadiidka ee AKT ay ku kala boodeen wadaxaajood muddo socday ayaa waxaa maanta oo ah 1.3.2023 billaabatay shaqo-joojin ay ku dhaqaaqeen darawallada basaska ee magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Waxaa maanta la arkayay dadka tuban maxaddooyinka ay ka baxaan tareennada iyo taraamyada, maadaama aanay labadan nuuc ee gaadiid qayb ka ahayn shaqo-joojintan.

Waxaa kale oo maanta badnaa isticmaalka tagaasida iyo baabuurta caadiga ah ee ay dadku wataan.

Halkan ka eeg basaska aan shaqaynayn iyo magaalooyinka ay basaskaas ka hawlgeli jireen.

Haddii aan heshiis laga gaarin arrimaha mushaarku ugu horreeyo ee ay ku kala boodsan yihiin shaqaalaha iyo shaqo-bixiyayaashu, waxay shaqo-joojinta soconaysaa illaa iyo Jimcada ku beeggan 10.3.2023.

Waxaa meelaha qaar la arkay basas aan badnayn oo shaqaynaya, kuwaas oo ay wadeen darawallo aan iskaashatada ka tirsanayn iyo madaxda shirkadaha basaska qaarkood.

SSMV