Darawal tagsi waday ayaa mindi geliyay qof rakaab ah oo tagsigiisa saarnaa

Helsinki 17.7.2020- Booliska Helsinki ayaa sheegay in darwal waday tagsi aan calaamadda tagsiga laheyn looga shakisanyahay in uu galay dembi ah iskudday dil. Booliska ayaa waxay sheegeen in darawalku uu minddi geliyay qof rakaab ah kaddib markii uu muran soo kala dhexgalay. Falkan ayaa fiidkii Khamiistii ka dhacay xaafadda Jakomäki ee Helsinki.

Darwalka iskuddayga dilka ah looga shakisanyahay ayaa ah nin asal ahaan ajnabi ah oo dhashay 1960-kii. Ninka rakaabka ah ee minddida la geliyay ayaa sida booliska laga soo xigtay wuxuu dhashay 1970-kii.

Wararku waxay intaas ku sii darayaan in kahor gelinta minddida uu dagaal tagsiga dhexdiisa ku dhexmaray darawalka iyo ninka rakaabkiisa ahaa, dagaalkaas oo markii dambe keenay in ninkii rakaabka ahaa minddi la geliyo.

Ninka minddida la geliyay ayaa weli isbitaalka ku jira darawalkii tagsiga waday oo ay boolisku ka soo qabteen meel aan ka fogeyn goobta uu dhibku ka dhacayna wuxuu weli ku jira xabsiga booliska. Ninkan minddida la geliyay ayeey isagana boolisku uga shakisan yihiin in uu darwalka tagsiga jirdilay.

Sawirka: MTV3