Dad cusub oo laga helay feyruska korona dalkaan Finland- tirada dadka laga helayo oo sii kordhaysa

28.8.2020- Hay’adda THL ayaa sheegtay in Finland laga helay feyruska korona 17 qof oo hor leh, taasoo tirada guud ee dadka Finland laga helay feyruska korona ka dhigeysa 8019 qof.

Labadii toddobaad ee la soo dhaafay waxaa feyruska korona laga helay in kabadan 76 qof oo qaba feyruska korona marka la barbadhigo labadii toddobaad ee ka sii horreysay.

Labadii toddobaad ee la soo dhaafay waxaa feyruska korona laga helay 336 qof, halka labadii toddobaadkii ka sii horeysay ay tirada feyruska laga helay ka aheyd 260.

Toddobaadkaan lagu guda jirana waxaa feyruska korona laga helay 177 qof.

Tirada dadka u dhintay feyruska korona ee dalka Finland laga diiwaangeliyay illaa iyo hadda waa 335.

Abdirizak Sugulle