Dabbaaldegga soo-jireenka ah ee ardayda dhammaynaysa dugsiga sare (penkkarit) oo ka dhacaya maanta guud ahaan Finland

Penkkarit-kuvakaappaus-ruudusta-mtv3 uutiset

Maanta oo ku beeggan 9.2.2023 waxaa guud ahaan dalka Finland ka dhacaya dabbaaldegga ay ardayda Finland ee dhammanaysa dugsiga sare dhigaan marka ay waxbarashada caadiga ah ee fasalku u dhammaato.

Inkastoo ay waxbarashada caadiga ah ee dugsiga/fasalka lagu qaadanayo ay ardayda u dhammaatay, waxay ardaydu dabbaaldegga kaddib gelayaan fasaxa wax-akhrinta oo ah fasax loogu talaggalay in ay ardaydu ugu diyaargaroobaan imtixaanka qalinjebinta rasmiga ah ee dugsiga sare.

Xafladan oo ayaan la dhigin sannadihii la soo dhaafay sababo la xiriira safmarkii Korona ee la soo dhaafay.

Waxaa iminka dugsiyada sare ee Finland ku jira 100,000 oo arday, kuwaas oo qiyaastii 30,000 oo kamid ah ay sannadkan dhammanayaan dugsiga sare.

Habka loo dabbaaldego ayaa ah, arday saaran gawaari xamuul oo dusha ka furan oo ku gaaf-wareegaya faras-magaalooyinka iyo goobaha ay dadku ku badan yihiin.

Ardayda ayaa gawaaridaas dushooda ka soo firdhiya nacnac, shukulaato iwm. Waxaa kale oo ay xafladdan caan ku tahay in ardaydu ay ka dareen-celinayaan xaaladaha markaas dalka iyo guud ahaan dunida ka jira.

Waxaa la filayaa in xafladda sannadkan loo adeegsado hal-ku-dhigyo ka hadlaya doorashada soo socota ee baarlamaanka Finland iyo dagaalka Yukreyn ka socda.

Isha warka: Warbaahinta Finland