Carwada Bandhigga Buugaagta ee Sanadlaha ah oo magaalada Espoo lagu soo gebagebeeyay

Carwada buugaagta Espoo oo sanadii 15aad oo xiriir la qabanayo. Sawirka: Suomen Somali Media

Espoo – Carwada bandhigga buugaagta ee sanad walba lagu qabto oo sanadkaan lagu soo bandhigay in ka badan 20 buugaag oo ay qoreen qorayaal Soomaaliyeed ayaa lagu soo gebagebeeyay maktabadda Entressen ee ku taala Espoo Keskus magaalada Espoo.

Carwada buugaagta oo la qabtay 10 Siteembar ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne isugu jira Soomaali iyo Finnish iyo masuuliyiin ka tirsan magaalada Espoo.

Abdirahman Mohamud Ali oo ah xildhibaan Golaha deegaanka Espoo oo sharaxaya goortii iyo sababihii uu u aas-aasay carwada buugaagta 15 sano ka hor. Sawirka: Suomen Somali Media

Waxaa Carwada ugu horeyn furay Abdirahman Mohamud Ali oo ah xildhibaan Golaha deegaanka Espoo ayaa sheegay in carwada buugaagta uu soo qabanqaabin jiray sanad walba, ayna tahay sanadkii 15-aad ee carwadan la qabto, isagoona sheegay in carwada buugaagta ay faa’iidooyin badan u leedahay qorayaasha Soomaaliyeed oo hal abuurkooda ku soo bandhiga, taasoo ay ka faa’iideystaan Soomaali iyo ajaanib.

“Waxaan ku faraxanahay in qabashada carwada buugaagta ee sanadkan ay taabo gasho iyadoo lagu jiro xilli adag oo dadkii cudurka Korona Feyrus dartiis aanay dad badan la isu keeni karin.” Abdirahman Mohamud Ali oo ah xildhibaan Golaha deegaanka Espoo ayaa furitaanka carwada ka sheegay.

Sampo Suihko oo ka socday iskuulka Omnia oo ah iskuulada ugu waaweyn magaalada Espoo oo ka hadlaya furitaanka carwada buugaagta Espoo. Sawirka: Suomen Somali Media

Waxaa kaloo meesha ka hadlay Sampo Suihko oo ka socday iskuulka Omnia oo ah iskuulada ugu waaweyn magaalada Espoo, isagoo sheegay in barnaamijyada nuucan ah ay dhiirigelinayaan isdhexgalka dadyowga dhaqamada kala duwan ee ku nool waddanka Finland.


Madaxa waaxda Dhaqanka ee magaalada ESPOO Katja Koskela oo ka hadlaysa furitaanka Carwada Buugaagta ee Espoo 10 September 2020. Sawirka: Suomen Somali Media

Madaxa waaxda Dhaqanka ee magaalada ESPOO Katja Koskela oo furitaankii carwada buugaagta ka hadashay ayaa sheegtay in barnaamijyada nuucan ah ay u muhiim u yihiin bulshada, ayna lagama maarmaan ay tahay in la wada shaqeeyo. Iyadoo qoraaga Soomaaliyeed ee buugaagta ugu badan meesha lagu soo bandhigay qoray ee lagu magacaabo ku amaantay dadaalkiisa, kuna dhiirigelisay in barnaamijyada nuucan ah la joogteeyo.

Cabdicasiis Xildhibaan oo ka hadlaya furitaanka carwada buugaagta Espoo oo sharaxaya duruufihii ku qasbay in uu qoro buugaagtan faraha badan. Sawirka Suomen Somali Media

Ugu dambeyntii qoraa Cabdicasiis Xildhibaan oo furitaanka carwada buugaagta ka hadlay ayaa sheegay in sababaha ugu waaweyn oo uu buugaagtan cusub u qoray ay tahay in caruurta Soomaaliyeed ay ka faa’iideystaan si aqoontoodu u kobacdo. Cabdicasiis ayaa sanadkan carwada buugaagta ee Espoo ku soo bandhigay 11 buug oo cusub oo loogu talo galay in ay caruurta wax ku bartaan.

Barnaamijkan oo muuqaal ahna dhowaan ayaan daawan doontaan.