Ciyaaraha Somali Week oo Helsinki, Finland ka furmay

Cayaaraha Somali Week ayaa  todobaadkan ka furmay magaalada Helsinki ee dalka Finland.  Cayaarahan oo socon doona inta lagu guda jiro toddobaadka xorriyadda Soomaaliya ayaa sida maamulka ururka soo qaban qaabiyay uu sheegay loogu talagalay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Finland iyo guud ahaan Yurub.

Qabashada cayaarahan oo uu taabbo-geliyay sannadkii labaad ururka SONPET ry ayaa guddoomiye ku xigeenka ururkan Maxamed Xaashi Ciise, u sheegay Suomen Somali Media verkosto In ujeedka ugu weyn ee ay ka leeyihiin cayaarahan uu yahay isdhexgalka dhallinayrada Soomaalida ee ku nool dalkan Finland iyo guud ahaan dalalka Yurub.

Cayaaraha sports-kan ayaa kaalin mug leh ka qaata is dhexgalka bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

SSMV