Ciidmada calooshood-u-shaqaystayaasha ah ee Ruushka ee Wagner oo gadooday iyo madaxweyne Putin oo dagaal ciidamadaas ka dhan ah ku dhowaaqay

Kuvakaappaus-Yle

Hoggaamiyaha ciidmada calooshood-u-shaqaystayaasha ah ee Wagner Jevgeni Prigožin ayaa ku dhowaaqay dagaal ka dhan Hoggaanka Ciidmada Ruushka wuxuuna weeraray saldhigyo ciidan oo muhiim u ahaa weerarka uu Ruushku ku hayo Yukreyn.

Madaxweynaha Ruushka oo tallaabada ciidamada Wagner ka hadlay ayaa hadal xammaasad, welwel, gooddin iyo kicin dadweyne isugu jirtay ka jeediyay telefishinka. Putin ayaa ciidamada Wagner ku eedeeyay in ay Ruushka dhabar-wareemeen, islamarkaasna galeen khiyaano qaran sidaad darteedna uu ciidamada Ruushku ku amray in ay tallaabo ka qaadaan ciidamada Wagner.

Hadalka madaxweynaha Ruushka ayaa imaanayay xilli xaalad hubanti la’aan ah ay ka jirto gudaha Ruushka, taas oo la xiriirta heerka uu marayo weerarka uu hoggaamiyaha ciidamada Wagner Jevgeni Prigožin ku qaaday magaalooyin waaweyn oo Ruushka ku yaal. Ciidamada Wagner ayaa saqdii dhexe ee xalay billaabay dhaqdhaqaaq ay kaga soo horjeedaan hoggaanka ciidamada Ruushka.

Wakaaladaha wararka qaar ayaa baahiyay warar sheegaya in ciidamada Wagner ay dhanka Moscow u soo ruuqaansadeen ayna u jiraan masaafo aan ka badnayn 600 oo km. Waxaa kale oo la soo sheegayaa in caasimadda Ruushka ee Moscow la geliyay bandhow dadban iyo in maaxweynaha Ruushka halkaas laga saaray.

Falcelinta madaxda Finland:

Madaxweynaha Finland, Niinistö oo ka hadlayay xaaladda cakiran ee ka taagan Ruushka ayaa wakaaladda wararka Finlnad (STT) u sheegay sidan: “xaaladda Ruushku aanay kala caddayn warar badan oo aan la hubinna ay halkaas ka imaanayaan. Waxa laga hadlayo waa arrin ka jirta gudaha Ruushka oo isbeddelkeeda si dhow loogala socdo Finland iyo meelo kalaba. Hadalka madxweynaha Putin wuxuu muujinayaa sida ay xaaladdu u adagtahay.”

Ra’iisal wasaaraha Finland Petteri Orpo oo ka hadlay isbeddelka ka socda Ruushka ayaa bartiisa Twitter ku qoray sidan: “Waxaan si dhow ula soconnaa isbeddelka xaaladda ka jirta Ruushka. Xaaladdu waa ay adagtahy wararka aan la xaqiijin ee halkaas ka imaanaya waa badan yihiin. Khilaafaad qoto-dheer ayaa ciidamada Ruushka ka dhexjira.”

Elina Valtonen, wasiirka arrimaha dibadda ee Finland oo xiriir la samaysay wakaaladda wararka Finland (STT) ayaa sheegtay in ay si adag ula socdaan xalaadda Ruushka maadaama ay tahay mid si degdeg ah isu beddeleysa.

Dalalka xuduudda la leh Ruushka oo ay Finland ku jirto ayaa si dhow ula socda xaaladda ka taagan Ruushka waxayna sheegeen in haddii loo baahdo ay si degdeg ah uga falcelin karaan wax kasta oo ka soo cusboonaada xaaladda cakiran ee Ruushka.