Xaflad lagu soo dhoweynayay Guddoomiyaha xiriirka kubadda kolayga Soomaaliyeed Dr. Cabdullaahi Nuur Maxamed laguna daah-furayay Ururka kubadda Kolayga ee woqooyiga Yurub iyo dhallinyarada Soomaalida Finland (Pohjoismaiden ha Suomen somalinuorten koripallo ry) oo ka dhacday magaalada Helsinki

Sawirka: SSMV

Xaflad aad loo soo agaasimay ayna ka soo qaybgaleen martisharaf ka kala socotay qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee Finland ku dhaqan ayaa lagu soo dhoweeyay guddoomiyaha kubadda kolayga Soomaaliyeed mudane dr. Cabdullaahi Nuur Maxamed.

Sawirka: SSMV
Sawirka: SSMV

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka qaybgalay gardaadinta ururka Ururka kubadda Kolayga ee woqooyiga Yurub iyo dhallinyarada Soomaalida Finland oo maanta looga dhawaaqay dalka Finland.

Mudane Abdifitah Abdi Hassan (Arizona) oo ah guddoomiyaha Ururka kubadda Kolayga ee woqooyiga Yurub iyo dhallinyarada Soomaalida Finland islarmaasnaka wasaaradda ciyaaraha Soomaaliya wakiil idman uga ah Dalalka Yurub ayaa ugu horreyn madasha ku soo dhoweeyay guddoomiyaha xiriirka kubadda kolayga Soomaaliyeed mudane Cabdullaahi Nuur Maxamed iyo martisharafkii kale ee xafladda ka soo qaybgashay.

Guddoomiye Ururka xiriirka Kubadda cagta Soomaaliyeed mudan Cabdullaahi Nuur Maxamed (Caddaani) oo madasha ka hadlay ayaa mahadcelin kaddib bulshada Soomaaliyeed ee Finland ka codsaday in ay gacan-siiyaan kubadda cagta Soomaaliya iyo guddoomiyaha Ururka kubadda Kolayga ee woqooyiga Yurub iyo dhallinyarada Soomaalida Finland.

Guddoomiye Arizona oo ka hadalnay ujeedka xafladdan ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay imaatinka guddoomiyaha xiriirka kubadda kolayga Soomaaliyeed uu yimid Finland kana soo qaybgalay munaasabadda lagu gardaadinayo Ururka kubadda Kolayga ee woqooyiga Yurub iyo dhallinyarada Soomaalida Finland.

Sawirka: SSMV

Arizona oo ku hadlayay mgaca ururka Ururka kubadda Kolayga ee woqooyiga Yurub iyo dhallinyarada Soomaalida Finland iyo kan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland ayaa ballanqaaday in uu Ururka kubadda Kolayga ee woqooyiga Yurub iyo dhallinyarada Soomaalida Finland si dhow ula shaqaynayo xiriirka kubadda kolayga si loo horumariyo tayada iyo aqoonta kooxaha kubadda kolayga ee Soomaaliya.

Sawirka-ssmv

Madaxda madasha ka hadashay oo u badnaa shakhsiyaad isboortiga Soomaalida magac ku leh muddana ku soo dhexjiray noocyada isboortiga ee kala duwan ee Soomaalida.

Sawirka- SSMV

SSMV