Burcad wajiga qarsaday oo weerar iyo dhac ka gaystay dukaan ku yaal xaafadda Virhelaakso, Espoo

Espoo 24.7.2020- Booliska Galbeedka Uusimaa ayaa sheegay in aroortii hore ee saakay (24.7.2020) uu qof burcad ah oo wajiga qarsaday dhacay dukaanka Alepa ee ku yaal xaafadda Viherlaakso.

Burcadkan oo watay sida la sheegay shay af leh ayaa u hanjabay iibiyihii dukaanka wuxuuna dukaanka xoog uga qaatay xoogaa yar oo lacag ah. Cid ku dhaawacantay ma jirto falkan dhaca ah.

Booliska ayaa boggooda soo dhigay sawiro muujinaya qofka dukaanka dhacay, kaas oo goobta ka baxsaday booliskuna ay ku raad-joogaan.

Dhanka kale boolisku ayaa codsanaya in ciddii aragtay falkan dukaanka lagu dhacay ama war ka haysa ay la soo xiriirto telefoonkan 0295413031 ama iimaylkan vihjeet.espoo@poliisi.fi

Isha warka: Iltalehti

Xuquuqda sawirka: Fonecta