Booska ay Finland uga jirto Liiska dalalka dagaalka kula jiro Korona oo soo hagaagay

Helsinki 13.6.2020 Bogga internetka ee uu gacanta ku hayo Gole Feker oo Mareyanka laga leeyahay oo lagu magacaabo New England Complex Systems Institute ayaa Finland ku daray liiska dalalka uu garaafkoodu cagaarka yahay marka laga hadlayo jaantuska uu boggaas ku cabbiro heerka uu marayo dagaalka ay dunidu kula jirto fayruska Korona.

Hadda Finland waxay ku jirtaa Liiska Dalalka Korona ka guulaystay ama guusha kaabiga ku haya waxaana dalalkaas afka Ingiriiska loogu yeeraa ”Countries beating COVID-19”.

Si kastaba ha ahaatee, arrinta mudan in dib loo milicsado ayaa ah in Finland ay billowgii bishii shanaad ee Maajo liiska uga jirtay ”kooxda liidata” oo dalalka ku jira looga baahan yahay in dagaalka Fayruska Korona ka dhanka ah ay xoojiyaan.

Boggan ayaan dalalka dunida u qaybiyay saddex kooxood oo heerarka ay ka galaan dagaalka Korona uu ku tibaaxayo garaaf midabbaysan.

Midabka Cagaarka ah ayaa u taagan dalalka guuleeystay, jaalle ama huruudka ayaa isna u taagan dalalka soo roonaanaya halka midabka casaanka ama guduudku uu u taaganyahay dalalka uu Korona u awood-sheegtay oo u baahan in ay dhexda dhuuqsadaan oo dagaalka si buuxda u galaan.

Saddexda kooxood ayaa kala ah kooxda liidata, kooxda dhexdhexaad ah iyo kooxda guuleeystay ama guusha u dhow.

ISHA WARKA: ILTALEHTI

SAWIRKA.      ILTALHETI