Booliska oo nin taksiile ah uga shakisan in uu galay faldembiyeedyo kufsi la xiriira

Xuquuqda Sawirka: Mahad Sheikh Musse

Helsinki 28.4.2021- War lagu daabacay bogga internetka ee booliska Helsinki ayaa lagu sheegay, in boolisku ay taksiile qiyaastii 40 sano jir ah uga shakisan yihiin in uu ku kacay faldembiyeedyo kufsi la xiriira.

Boolisku waxay sheegeen in ninkan uu waday gaari taksi ah oo ay dusha sare uga dheggantahay calaamadda taksiga. Ninkan ayaay la sheegay in uu dumarka kaligood socda ka qaadi jiray meelo aan ahayn maxaddooyinka tagaasida. Inta safarka lagu jiro ayuu sida la sheegay rakaabkiisa siin jiray khamri iyo waxyaabo kale oo maanka dooriya.

Booliska ayaa sidoo kale sheegaya in taksiilahan aanu macaamiisha geyn jirin cinwaanka ay u sheegaan in uu geeyo, balse uu geyn jiray guri ku yaal bannaanka Helsinki. Boolisku waxay tuhunsan yihiin in tagsiiluhu uu gurigaas dhexdiisa ku galay faldembiyeed kufsi ah oo uu u geystay dumarki uu gaariga ku qaaday.

”Sida ku cad waxyaabaha soo baxay intii lagu guda-jiray baaritaanka hore ee kiiskan, boolisku waxay tuhunsan yihiin in ninkan laga shakisan yahay uu faldembiyeedyo galmo iyo kufsi ah kula kacay dad kale oo aan ahayn kuwa hadda macluumaadkooda la hayo” sidaas waxaa sheegtay Jutta Antikainen oo baarista kiiskan hoggaaminaysa.

Booliska ayaa codsanaya in haddii ay jirto qof dhibane u ah dembiga kor lagu sheegay ay la soo xiriirto booliska Helsinki oo lagala soo xiriiri karo: Tel: 0295 471 612 (xilliyada shaqada) ama iimaylka ah: seksuaalirikokset.helsinki@poliisi.fi.

Isha warka: Booliska Helsinki iyo HELSINGIN