Booliska oo ka digay maandooriye cusub oo sababay dhimashada illaa 10 dhalinyaro ah magaalooyinka Helsinki iyo Turku

Sawirka: Mahad Sheikh Musse Duceysane/Suomen/ Somali Media/Keyd-sawirku warkan lama xiriiri

Axad 02.05.2021: Booliska magaalada Turku ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan baaritaanka kiis ku saabsan dhimashada 5 dhalinyaro ah, kuwaasoo sida boolisku sheegeen qaatay waxyaabo la isku qasay oo ka kooban maandooriye, daawo iyo khamri. Dhallinyaradaas oo da’doodu ahayd dhowr iyo labataan jirro, boolisku ma aanay sheegin asal ahaan halka ay ka soo jeedaan.

Sarkaalka sare ee mas’uulka ka ah baaritaanka arrinkaan Jari Riiali ayaa sheegay, in kiiskaan uu soo baxay, kaddib markii booliska la soo gaarsiiyay wargelin laga soo gudbiyay meelo kala duwan oo magaalada Turku ah, taasoo ku sabsanayd in ay jiraan xaalado dhowr ah oo guryo gaar loo leeyahay ay dad ku dhex dhinteen.

Boolisku wali si dhab ah uma caddayn karo in waxa dhimashada sababay ay tahay sun ama waxyaabo la isku qasay. Si kastaba waxaa ay boolsiku sheegeen, in ay tuhunsan yihiin in nawaaxiga magaalada Turku  ay ka jirto haatan, in dhallinyarada dhexdooda lagu dhex faafinayo daawo ama maandooriye halis ah oo dhimasho sababaaya.

Boolisku waxaa ay sheegeen in ay tuhunsan yihiin, in maandooriyaha lagu magacaabo Ksalol oo lagu iibiyo dalalka baaltiga iyo kuwa bariga Yurub, uu haatan magaalada turku soo gaaray.

Sidoo kale magaalada Helsinki ayaa dhallinyaro dhowr ah ay u dhinteen maandooriyahaas awgiis.

Sooshalad ka tirsan magaalada Helsinki oo la yiraahdo Pauliina Nylund ayaa warfidiyeennada u sheegtay, in maandooriyahan cusub uu yahay daawo iyo waxyaabo kale oo la isku qasay.

Nylynd in baaritaanka arrinkaas uu wali socdo, si dhimasho kale oo hor leh looga hortago awgeedna ay haatan ka digayaan arrinkaas.

Daawada laga sameeyo maandooriyahaas ee Alpratsolaami-ga loo yaqaan, waxaa dalkaan Finland ay ka tahay maandooriye daawo ahaan loo isticmaalo, taasoo ay qaadan karaan oo daryeel ahaan dhanka daawada ah loo siiyo dadka uu ku dhacay cudurka niyad-jabka iyo welwelka aadka u daran.

Waa dhibaato hor leh in dalkaan Finland ay soo gaaraan kiniiniyada maandooriyaha ah ee sababaaya dhimashada, waana arrin dhibaatadiisu ka taagnayd dalka Maraykanka, kaasoo sababay dhimashada dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed.

Dalkaan Finland ayaa waxaa beryahaan dambe ku so kordhayay falal dambiyeedka dhallinyarada ka kala tirsan kooxaha gaangiistarada ah ee gaysta dhaca iyo dilka iyo waliba dagaallada abaabulan ee dhexdooda ah, arrinkaan hadda soo kordhayna wuxuu noqonayaa mushkilad hor leh oo sii kordhinaysa dhibaatadii ka taagnayd arrimaha dhallinyarada.

Dabayaaqadii bishii la soo dhaafay ayaa illaa 10 dhalinyaro ah oo Soomaali u badan la xiray, kaddib markii ay xaafad ku taalla magaalada Helsinki oo la yiraahdo Pikku-Huopalahti ay ka gaysteen sida boolisku sheegay dhac iyo jirdil aad u xun. Waxaana dhallinyaradaas lagu qabtay, baangado, mindiyo iyo hub intaba.

Booliska ayaa sheegay toddobaadkii la soo dhaafay in tirada haatan xiran ay dhan tahay 15, kaddib markii shan kale oo dheeraad ah loo xiray dambiga la xiriira dhacdadaas.

Xigasho: MTV3