BOOLISKA: Hooyo ayaa looga shakisan yahay in ay iskudayday in ay hoteel ku dhex-disho cunug ay dhashay

Sawirku kiiska lama xiriiro

Booliska Helsinki ayaa shaaca ka qaaday in hoteel ku yaal magaalada Helsinki uu ka dhacay fal iskuday dil ah. Hooyo ayaa looga shakisan ytahay in ay iskudayay in ay ku dhex-disho qol ay ka deganayd hoteel Helsinki ku yaal cunug aan qaangaarin oo ay iyadu dhashay.

Hooyadan oo 47 sano jir ah ayeey boolisku sheegeen, in ay iyadu soo wacday xarunta xaaladaha degdegga ah. Hooyada iyo cunugga ayaa booqasho ku jooga Finland waxaana la sheegayaa, in aanay waddanka Finland u dhalan  deeganna ku ahayn.

Booliska ayaa dhanka kale ka gaabsan in uu sharraxaad ka bixiyo habka uu falkan dembiga ah u dhacay iyo guud ahaan meesha uu haatan marayo baaritaanka looga gungaarayo fal-dembiyeedkan ka dhacay hoteel ku yaal magaalada Helsinki.

Ilmahan yar ee dhabinaha ah ayaa la sheegayaa in aanu qabin dhaawac halis waxaana lagu dabiibayo isbitaalka.

Booliska ayaa ballanqaaday in marka baaritaanka kiiskan soo gunaanadaan ay soo gudbin doonaa warar dheeraad ah oo kiiskan ku saabsan.

SSMV-Booliska